Arag Sawirro qurxoon oo laga soo qaaday halka uu ku qabsoomi doono shirka ururka Islaamka

Magaalada Muqdisho maanta oo ay taariikhdu tahay 27-ka October 2018 waxaa ka dhacaya Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka oo muddo dheer kadib Soomaaliya kulan ku yeelanaya.

Madaxda ka socoto Dowladaha 1- Azerbaijan, 2- Brunei, 3- Djibouti, 4- Egypt, 5- Gabon, 6- Iran, 7- Kuwait, 8- Malaysia, 9- Pakistan, 10- Qatar, 11- Saudi Arabia, 12- Sudan, 13- Turkey, 14-UAE iyo 15- Yemen iyo Soomaaliya oo martigelineysa .

Wafuud kala duwan ayaa saacado is xig-xigay ku soo gaaray Magaalada Muqdisho, si ay ugu qayb galaan kulankooda Maanta.

Xalay waxa ay wararku sheegayaan in Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ay soo caga dhigteen Diyaarado ay saarnaayeen qaar ka mid ah Xubno Shirka ka qayb galaya.

Ururka Iskaashiga Islaamka waxaa la aas-aasay 25-kii September sanadkii 1969-kii, waxaana xubno ka ah 57-Dal.

Gelinka hore ee maanta waxaa shir gaar ah yeelanaya Wasiirada Arrimaha Dibadda Ururka Iskaashiga Islaamka oo badi kulma ka hor inta aan dhicin shirka guud ee Ururka.

Shirkan ayaa noqonaaya kii u horeeyay ee ay marti geliso Soomaaliya, sida lagu go’aamiyay qaraar ka soo baxay shirrkii 44aad iyo 45aad ee Wasiirada Arrimaha Dibadda Iskaashiga Islaamka ee ka dhacay magaalooyinka Abidjan ee dalka Ivory Coast iyo magaalada Dhaka ee Bangladesh.

Shirka ayaa ka dhacaya Xerada Xalane oo ah meel aad loo adkeeyay Ammaankeeda, waxaana la diyaariyay Hoolka kulanka uu ka dhacayo.