SACUUDIGA oo la kulmaya cadaadis hor-leh iyo DAL kale oo go’aan ka gaaray

Riyadh (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda Holland Lillian Pullman, ayaa ku dhawaaqday in si rasmi ah ay u baajisay Safar ay ku gaari laheyd magaalada Riyadh.

Wasiir Lillian Pullman, ayaa tilmaantay in baajinta socdaalkeeda Sacuudiga uu yahay mid u sabab ah danbiya uu Sacuudiga galayo.

Socdaalka Sacuudiga ayey sheegtay inuu ku beegna bishan December ee soo socota, hase yeeshee aysan garankarin waxa sacuudiga ku khasbay falka lagu dilay Jamal Khashoggi iyo kuwa kale ee wadada kusoo jira.

Lillian Pullman, ayaa tilmaantay in go’aanka ka baaqashada socdaalkeeda uu yahay mid ay la qabaan wadamo kale oo dhowr, sidaa aawgeedna ay la safan yihiin wadamada saaxiibada la’ah.

Chennel-ka Aljazeera Mubashar ayaa sheegay in Wasiirka uu si rasmi ah u hakiyay booqashada Sacuudiga, taa oo la xiriirta xiisaha ay abuurtay Sacuudiga.

Sidoo kale, Jaraa’idyada kasoo baxa dalka Holland ayaa qoray in amarka hakinta socdaalka Wasiirka uu yahay mid ka yihid madaxda ugu sareysa ee dalkaas.

Baajinta ayaa salka ku heysa go’aanka ay dowlada Sacuudiga wali uga meermeereyso xaqiiqda dilka suxufiga Jamal Khashoggi oo ilaa iyo hadda aan loo heyn xaqiiq dhab ah.

Holland ayaa qaadatay go’aan ah inaanu xiriir danbe lasii yeelan doonin Sacuudiga, inta ay kala imaaneyso warbixin lagu qanci karo oo ku aadan Jamal Khashoggi.

Sacuudiga ayaa dhex maquuraya culeysyo badan oo kaga imanaya dowladaha reer galbeedka, kadib markii ay qaab khaldan u dileen Jamal Khashoggi.

Si kastaba ha ahaatee, boqorka Sacuudiga ayaa la filayaa inuu xilka ka qaado dhaxal-sugaha dalkaasi Bin Salman oo ka danbeeyay dilka Jamal Khashoggi.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
Caasimada@live.com