Dhismaha xisbiga NPP oo kashifay sababta madaxda goboleedyada ay u diidan yihiin dowladda dhexe

Mudo aad u dheer waxaa ay madaxda maamuladu ku doodayeen iney Dowlada dhexe ee Soomaliya caqabad ku tahay shaqadooda iyo horusocodkooda. Dowlada dhexe marna kama jawaabin eedaas.

Shacabka ayaa ku kala qeybsamay tabashada madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya. Qaar shacabka ka mid ah ayaa u arkayay madaxda maamuladu iney ujeedooyin gaar ah lee yihiin, halka bulshada qaar ay qabto in tabashadooda la dhageysto, lana xaliyo.

Aqalka Sare ayaa u istaagay inuu arrinta xaliyo. Villa Soomaaliya waa qoor dhiibatay iyadoo u muuqata iney fahamsan tahay ujeedada dhabta ah ee madaxda maamulada.

Natiijadii kasoo baxday shirkii Garoowe ayaa toos u fasirtay damaca madaxda maamulada iyo halka ay ka shidaal qaadanayaan. Ujeedooyinkii Imaarat-ka oo aan waxba lagu darin ayaa kasoo baxay shirkaas.

Dhismaha xisbiga NPP (National Progressive Party) ayaa toos uga turjumaaya in madaxda maamuladu ay doonayaan iney fara galiyaan awooda Dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Dhismihii Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada waxaa loo arkayay mid ay madaxda maamuladu ku doonayaan iney kula xisaabtamaan Dowlada dhexe, laakiin xisbiga Garoowe looga dhawaaqay wuxuu fasiraya in murankoodu aaney aheyn mid ku kooban deeganadooda.

Cali Aadan oo siyaasada ka bartay jaamacada Oxford ayaa aaminsan in madaxda maamuladu ay toosh isku ifiyeen markii ay xisbi siyaasi ah sameysteen si ay uga qeyb galaan doorashada soo socota ee 2021.

“Hada waxey cadeyeen inuu iyaga damac kaga jiro Villa Soomaaliya, laakiin waxey markii hore ku doodayeen Villa Soomaaliya ayaa duulan nagu ah , hada cida duulaanka wada shacabku waa arkaan ayuu yiri Cali.

Wuxuu qabaa Cali Aadan in hogaamiyaha xisbigaan cusub uusan noqon doonin Cabdiwali Gaas balse uu jiro qof ay wadato Dowlada Imaarat-ka oo iyadu gadaal ka taagan hindisahaan.

Arrintan ayaa shacabka u iftiimisay oo daaha ka rogtay ujeedooyinka madaxda maamulada, waxaana ay hada Villa Soomaaliya dib u hanan doontaa xoogaa dad ah oo markii hore aaminsana in madaxda maamuladu ay diidan yihiin in la fara galiyo maamuladooda.

Dadka siyaasada ka faalooda waxaa ay aaminsan yihiin in dhismaha xisbigaan cusub ee NPP uu yahay dhaawac siyaasadeedkii ugu weynaa ee soo gaara madaxda maamulada.

W/Q: Mohamed Osman
Nairobi-Kenya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Ku soo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid