Gaas: Wixii danaheena ah CIDNA ugama heybeysan doono, DF waa yeelkeed

Garoowe (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka Puntland Cabdiweli Gaas ayaa shaaca ka qaaday inay ka go’an tahay in dadaalkooda ay kusoo kooban keliya wixii dani ay ugu jirto.

Gaas,ayaa sheegay hadalkan mar uu garoonka kasii sagootinaayay Hoggaamiyayaasha maamulada qaarkood, waxa uuna cod dheer ku sheegay in maamul Goboleedyadu ay dantu tusi doonto inay ku dhaqaaqan wixii dani ugu jirto.

Waxa uu Gaas carab dhabay in Hoggaamiye waliba uu leeyahay qorsho gaara, balse ay ka mideysan yihiin ku midoobida dhaqan galinta qodobada lasoo saaray.

“Cid waliba wey garaneysaa wixii u dana anaguna waan garaneynaa wixii inoo dan ah, dowlada Somalia waxaa laga doonayaa inay garato danteeda”.

“Anagu wixii dan aan u aragno cidna ugama heybeysan doono hade dowladu iyada ayay u taala sida ay yeeli laheyd”.

C/weli Gaas, waxa uu tilmaamay inaysan diyaar u aheyn in ay aqbalan dadaalo ku xeeran dano Siyaasaded oo u gaara Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Kheyre waxa uuna ku celcelshay inay ku taagan yihiin mowqif mideysan.

Sidoo kale, Gaas ayaa meesha ka saaray in dowlada Dowlada Dhexe ay tahay mid lagu kalsoonaan karo waxa uuna carab dhabay in madaxdu ay yihiin kuwo un iyaga isku mashquulsan.

Haddalka C/weli Gaas ayaa imaanaya xili Hoggaamiyayaasha maamul Goboleedyada ku shiray Garoowe ay soo saaren war-murtiyeed ka hor imaanaya dowlada.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com