Luciano Pezzotti: Waxaan u sheegay madaxweynaha in Soomaaliyadii Siyaad Barre ay iminka dhammaatay

Roma (Caasimada Online) – Danjiraha Talyaniga u qaabilsan wadamada Geeska Africa Luciano Pezzotti, ayaa sheegay in dowlada Somalia ay siyaabo kala duwan ugu sheegen in mar waliba ay adeegsato siyaasad ku dhisan deganaan iyo is-maqal.

Danjire Luciano Pezzotti, ayaa sheegay inay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo ku wargeliyeen inuu iska ilaaliyo dabeecadihii Maxamed Siyaad Barre ee kalitalisnimo.

Danjire Luciano Pezzotti, oo shalay hadal ka jeediyay shir balaadhan oo ka dhacay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga oo lagaga hadlayay xaaladaha gobalka Geeska Afrika, ayaa wuxuu ku soo hadal qaaday khilaafka u dhexeeya dawladda Soomaaliya iyo dawlad goboleedyada.

Waxa uu yiri, “Waxaanu Farmaajo u sheegnay in Soomaaliyadii Siyaad Barre ee uu ninka keliyi xukumayay ay dhammaatay.” Ayuu yidhi danjire Luciano Pezzotti, waxaanu intaas raaciyay, “Waxaanu ka codsanay inuu xal u raadiyo khilaafka hadda ee u dhexeeya dawladda Muqdisho iyo dawlad goboleedyada.”

Danjiruhu waxa kale oo uu ka hadlay isbedelada siyaasadeed ee ka socda gobalka Geeska Afrika, waxaanu soo hadal qaaday heshiiska taariikhiga ah ee dhex marya Itoobiya iyo Ereteriya iyo weliba isfahamka bilowga ah ee Djibouti iyo Ereteriya.

Caasimada Online
Xafiiska Rooma
Caasimada@live.com