CC Shakuur oo weerar ku qaaday dowladda Turkiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku eedeeyey dowladda Turkiga inay abaal-marin siisay “sarkaal Muqdisho ku xasuuqay ciidamo”

Qoraal uu soo dhigay facebook ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku sheegay inay la yaab tahay in Turkiga oo ka cabanaya dilka suxufi Jamal Khashoggi ay “ninkii Muqdisho ku xasuuqay ciidan Soomaaliyeed, kabahana ku aasay ay abaal marin siiso”

Ninka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ka hadlayo ee Turkiga abaal-marinta siiyey ayaa ah taliyihii hore ee nabad-sugidda gobolka Banaadir Saadaq John.

Selami Türker, oo ah madaxa ciidamada gaarka ah ee booliska Turkiga oo dhowaan Muqdisho booqday ayaa la kulmay saraakiisha booliska, oo uu ka mid yahay Saadaq John, wuxuuna siiyey abaal-marin aan la shaacin.

Saadaq John iyo ciidamadii hubeysnaa ee NISA ayaa dhowaan lagu daray ciidamada booliska.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa Saadaq John ku eedeeyey inuu qeyb ka ahaa ciidamadii NISA ee weeraray gurigiisa sanadii tagtey, halkaasi oo lagu dilay qaar ka mid ah ilaalada Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dhameystiran hoos ka aqriso.