Maxkamada reer Yurub oo go’aan ka gaartay kiis ah in aflagaadada Nebiga SCW ay banaan tahay iyo in kale

Strasbourg (Caasimada Online) – Maxkamadda Xuquuqda Aadanaha Yurub, ee fadhigeedu yahay magaalada Strasbourg ee dalka France, ayaa xukuntay in “in la aflagaadeeyo nebi Muxammed SCW aysan qeyb ka ahayn xoriyadda hadalka”

“Aflgaadeynta nebiga NNKH waa ay ka baxsan tahay xadka la ogol yahay ee hadalka qofka, sababta oo ah waxa ay dhalin kartaa naceyb, islamarkaana halis gelin kartaa nabadda diimaha” ayay maxkamadda ku tiri xukunkeeda.

Go’aankan oo ay gaareen toddoba garsoore ayaa yimid kadib markii haweeney u dhalatay dalka Austria oo magaceeda lagu soo gaabiyey Mrs. S, nacalad ha ku dhacdee, ay sanadii 2009 qabatay laba siminaar, kuwaasi oo ay ku aflgaadeysay suubanaha.

Maxkamadda ayaa sheegtay in hadalladii haweeneydan aysan qeyb ka ahayn xoriyadda, islamarkaana hadalkeeda loogu qiil dayey in lagu carro geliyo muslimiinta, ayada oo si guud magacooda loogu dhaawacayo xaqiiq la’aan.

Maxkamad ku taalla dalka Austria ayaa sanaddii 2011 haweeneydan ku ridday xukun ah inay aflagaadeysay diin, waxaana ay ku ganaaxday 548 dollar.

Haweeneydan ayaa kadib racfaan u qaadatay maxkamadda xuquuqda aadanaha Yurub, ayada oo adeegsanaysa xeerka 10, ee xoriyadda hadalka Yurub, racfaankaas oo hadda ay ku guul-darreysatay.

Xukunka Maxkamadda Xuquuqda Aadanaha Yurub ayaa macnihiisu yahay inuu hadda kadib ka hor-tagayo in aflagaadeynta nebiga NNKH iyo diinta Islaamka, aan loogu soo gabban karin xoriyadda hadalka.

Caasimada Online
Xafiiska Paris
Caasimada@live.com