Akhriso Shantii qodob ee sababta u aheyd in xilka laga qaado Hanti Dhawraha Qaranka

Muqdisho (Caasimadda Online) –  golaha wasiirada ayaa xil ka qaadis ku sameeyey Hanti dhawraha qaranka Dr. Nuur Jimcaale kadib markii ay ilaaladiisa dileen wasiir Cabaas Cabdullaahi Siraaji oo ahaa wasiirkii Howlaha Guud.

haddaba halkaan hoose ka aqriso shantii qodob oo ay guddiga loo xil saaray baarista qaabka uu dilkaan u dhacay u gudbiyeen golaha wasiir,a kuwaas oo keenay in xilka laga qaado:

1- Guddiga Baaritaanka waday oo ugu horeyn dalbaday in xasaanada laga qaado, taasoo sababtay in xilka laga qaado

2- in isagoo Mas’uul ah aanu u gurman markii falku dhacay Wasiirkii la dilay, isla markaana marka dhibka dhacay uu gaarigiisa goobta ka dhaqaaqay.

3- Wareysigii uu siiyay Idaacada VOA oo lagu tilmaamay inay aheyd mas’uuliyad darro iyo inuu ka hor-dhacay baaristii socotay, kuna tilmaamay wixii dhacay inay ahaayeen askar is rasaaseysay, uuna Wasiirka ku dhintay qaab shil, sidaas darteedna Guddiga baaritaanka waday ay soo bandhigeen cadeymo muujinaya in hal xabad kaliya ay dhacday, oo aheyd tan lagu dilay Wasiir Cabaas.

4-in askariga dilka geystay oo ka mid ahaa Ilaalada Hanti dhowrka qoriga uu wax ku dilay uusan aheyn mid sharciyeysnaa, isla markaana qorigiisa uu meel kale jiray.

Xilka hanti dhowrka Guud waxaa si kumeelgaar ah loogu magacaabay ku xigeenka hanti dhowrka, waxaana la filayaa in Nuur Faarax uu ka mid noqdo baaritaanka kiiska dilka Cabbaas Siraaje oo wax laga weydiin doono.

Shirkan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa hareeyay geerida wasiirkii howlaha guud, waxaana xil ka qaadista lagu sameeyay Hanti dhowrka ay bilow u tahay maxkamadeynta laba ka mida ilaaladiisa oo hadda u xiran kiiskan.