Golaha wasiirada oo xilkii la qaaday hanti dhawraha qaranka dilkii wasiir Cabaas kadib

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar laga helayo Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in kulan deg deg ah oo albaabada u xiran uu xilligan u socdo  Golaha Wasiirada Soomaaliya

Golaha Wasiirada ayaa shirka uga hadlay xaaladaha ammaanka Muqdisho iyo dilkii xalay loo geystay Wasiir Cabaas Siraaji.

Waxaa Golaha Wasiirada ay isku raaceen in xil ka qaadis lagu sameeyo Hanti dhowrka Guud Dr. Nuur Faarax, kaddib markii lagu helay Ilaaladiisa inay ka dambeeyeen dilka Wasiir Cabaas.

Hanti dhowraha ayaa lagu helay in ilaaladiisu ay dil bareer ah u geysatay wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, waxayna xubnaha Golaha wasiirada isku raaceen inuu mas’uuliyadda dhinac ka qaadayo, sidaas darteedna xilkii looga qaaday.

Xilka hanti dhowrka Guud waxaa si kumeelgaar ah loogu magacaabay ku xigeenka hanti dhowrka, waxaana la filayaa in Nuur Faarax uu ka mid noqdo baaritaanka kiiska dilka Cabbaas Siraaje oo wax laga weydiin doono.

Shirkan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa hareeyay geerida wasiirkii howlaha guud, waxaana xil ka qaadista lagu sameeyay Hanti dhowrka ay bilow u tahay maxkamadeynta laba ka mida ilaaladiisa oo hadda u xiran kiiskan.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET