Yusuf Garaad oo warbixin ka qoray socdaalka Farmaajo ee Addis Ababa

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo oo ay ka mid yihiin Wasiirro iyo Xildhibaanno ayaa booqasho Qaran oo qaadatay 24 saacadood ku tegey dalka Ethiopia.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diirran oo ugub ah gegida dayaaradaha ee Addis Ababa ugu soo dhoweeyay Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia, Hailemariam Desaleng oo ay salaanta calanka wadajir uga qaateen cutubyo ka tirsan ciidanka salaam-sharafta Ethiopia.  Soo dhoweynta oo ballaarneyd waxaa ka qeyb qaatay Wasiirro, Danjirayaasha shisheeye ee fadhigoodu yahay Addis Ababa iyo Midowga Yurub, fannaaniin iyo dadweyne.

Gegida dayaaradaha iyo waddooyinka waaweyn ee Addis Ababa waxaa la suray labada calan ee Soomaaliya iyo Ethiopia.

Madaxweynaha iyo wafdigiisu wadahadal la galeen Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia, Wasiirro iyo mas’uuliyiin kale.

Wafdiga Soomaaliya wuxuu ka mahadceliyay soo dhoweynta iyo ciidammada Ethiopia ee ka midka ah ciidammada AMISOM.

Wafdiga Soomaaliya wuxuu sheegay in ay Dowladda Federaalka ahi soo dhoweyneyso horumarinta gobol kasta oo Soomaaliyeed, wuxuuse xusay wafdigu in loo baahan yahay in aan horumarintaasi aanay noqon mid wiiqi karta Madaxbannaanida  iyo wadajirka dhuleed ee dalka.

Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desaleng isaga oo aan ka leexleexan innabana aan shaki gelin wuxuu qiray in Ethiopia ay aqoonsan tahay marnahabana aanay tuhun gelineyn Madaxbannaanida iyo wadajirka dalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in Dowladda Ethiopia ay arrimaha siyaasadda dibadda u aragto in uu mas’uuliyaddeeda koowaad leeyahay Madaxweynuhu, sidoo kale Difaaca, Amniga, Socdaalka iyo Dhaqaalahaba.  Sidaa darteed waxay Ethiopia kala xaajoon doontaa oo ay u soo mari doontaa ayuu yiri Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wuxuu bixiyay ballanqaadyo ay ka mid tahay deeq waxabarasho oo Ethiopia ay u fidineyso 500 oo arday oo Soomaali ah.  Waxbarashadaas Jaamacadeed waxay isugu jirtaa heerarka kala duwan ee Jaamacadeed oo ay ka mid tahay PhD.

Labada Hoggaamiye waxaa ay isla qireen in labada dal ee deriska ah, Soomaaliya iyo Ethiopia ay wax badan wadaagaan danahooda amni iyo kuwa horumarna ay isa saameyn weyn isku leeyihiin. Taas ayaana khasab ka dhigeysa ayay yiraahdeen iskaashi daacad ah oo labada Dowladood dhex mara.

Xildhibaanno laga soo doortay degaanno ku yaalla soohdinta ka dhexeysa Soomaaliya iyo Ethiopia oo ka mid ahaa wafdiga Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiin uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad-Degaanka Soomaaliyeed ee Ethiopia, Cabdi Cumar.

Waxay talooyin iyo isafgarad ka gaareen sidii wax looga qaban lahaa arrimaha Amniga iyo socdaalka ee degaannada la teedsan labada dhinac ee soohdinta.

Socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, uu ku tegey dalka Ethiopia wuxuu dhabbe u falay wada shaqeyn iyo iskaashi nooc hor leh oo wanaagsan oo dhex mara Soomaaliya iyo Ethiopia kaas oo ku qotoma is qaddarin iyo wada faa’iideysi siman.

Si taas looga dhabeeyo looguna beddelo ficil, waxay labada hoggaamiye  go’aamiyeen in la sameeyo guddi laba-geesood ah oo ay horseed ka yihiin labada Wasaaradood ee Arrimaha Dibadda oo joogto u kulma isla markaana meel mariya qodobbada la isla soo qaaday oo dhammaantood laga gaaray isfaham buuxa.

Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ku sagootiyay gegida dayaaradaha ee Addis Ababa.

Wafdiga Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiirka Gaashaandhigga iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda wuxuu la soo laabtay rajo iyo yididdiilo uu ka qabo xiriirka labada dal ee mustaqbalka oo uu u arko in uu cagta saaray waddo cusub oo lagu tilmaami karo billow wanaagsan.

W/D. Yusuf Garaad

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia 

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET