Amisom oo Muqdisho ku jiirtay fannaan caan ka ah gayiga Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Gaadiid ay la socdeen Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan Taliska AMISOM ayaa magaalada Muqdishoku jiiray Fannaan iyo Mulaxamiiste caan ah.

Gaadiidka AMISOM ayaa Fannaanka ku jiiray meel aan sidaa uga sii fogeyn Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, Fannaankaa oo lagu magacaabo Jiim Sheekh Muumin.

Fannaan Jiim Sheekh Muumin, ayaa ku caan baxay hal abuurka iyo heesaha Jaceylka waxaana iminka la dhigay Isbitaal ku dhow Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Fannaan Jiim Sheekh Muumin, ayaa dhowr sano ku qaatay Xabsiga weyn ee magaalada Hargeysa, waxaana loo heystay Kiis ku aadan dilka Fannaan kale.

Jiim Sheekh Muumin, ayaa Fannaanka kale ku dilay xabad kadib markii uu ku andacooday inay uga fakatay rasaasta xili ay kaftamayeen Fannaanka kale ee marxuumka ah.

Ciidamada AMISOM ayaa magaalada Muqdisho ka geysta falal isugu jira jiiris iyo dil bareer ah oo ay u geystaan dadka shacabka ah.

DFS ayaan inta badan qaadin talaabo lidi ku ah ciidamada AMISOM ee falalka foosha xun kula kaca shacabka, iyadoo xiliyada qaar ay dhacdo inay diidan in loo xiro falalka dilka ama gaari jiirsiinta.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET