Akhriso: Shariif Xasan oo magacaabay laba xil oo muhiim ah (Yaa loo magacaabay)

Baydhabo (Caasimada Online)-Wareegto kasoo baxday xafiiska Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxaa lagu magacaabay Xeer ilaaliye cusub.

Shariif Xasan ayaa wareegtada ku sheegay in magacaabida Xeer ilaaliyaha cusub ay tahay mid keentay baahi loo qabo xilka, waxa uuna magacaabay Maxamed Macalin Cabdiyow.

Waxaa wareegtada sidoo kale lagu magacaabay Guddoomiyaha cusub Maxakamadda Sare ee maamulka oo waayadan banaanaa.

Hogaamiye Shariif Xasan ayaa Guddoomiyaha Maxakamadda Sare u magacaabay Axmed Cali Muuse, kaasi oo bedelaya guddoomiyihii hore ee Maxakamadda Sare oo horey xilka qaadis loogu sameeyey.

Hogaamiye Shariif Xasan ayaa kula dardaarmay mas’uuliyiintani in ay xilkoodi u gutaan si hufan, islamarkaana ay qabtaan adeegyada ay uga baahan yihiin bulshada ku dhaqan degaanada Koonfur Galbeed.

Dhinaca kale, Shariif Xasan ayaa mas’uuliyiintii hore ee xilalkaasi hayay ku amray inay wareejiyaan xilalka si loogu shaqeeyo.

Caasimada Online

Xafiiska Baydhabo

Caasimada@live.com