Sheekh Shaakir oo ka xog waramay shirka ka furmaaya Dhuusamareeb ee lagu soo xiraayo Heshiiska

Cadaado (Caasimada Online)-Waxaa lagu wadaa in magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud uu ka dhaco shir lagu dhameystiraayo heshiiska ay wada galeen maamulada Galmudug iyo Ahlusunna.

Shirka oo ahmiyad gaara leh ayaa waxaa ka qeybgali doona Madaxweynaha Somalia, Wasiirka arrimaha gudaha, Xildhibaano, madax ka kala tirsan maamulada Galmudug, Ahlusunna iyo Xubno ka socda beesha caalamka.

Shirka ayaa waxaa lagu soo gunaanadayaa dhameystirka heshiisyadii ay gaareen Galmudug iyo madaxda Ahlusuna Waljamaaca, kuwaasi oo lagu midaynayo labada dhinac.

Shirka oo qabanqaabadiisa ay ka socoto magaalada Dhuusamareeb, ayaa waxaa lagu kala saxiixan doonaa qodobo dhowr ah oo saldhig u noqon doona labada dhinac.

Hogaamiyaha maamulka Ahlusunna Sheekh Shaakir ayaa sheegay in shirka uu ahmiyad gaara u yeelan doono Galmudug iyo Ahlusuna.

Sheekh Shaakir, waxa uu tilmaamay in Ahlusuna ay si gaara u tixgalin doonto qodobada ay kula heshiin doonto Galmudug, waxa uuna ballanqaaday inay ka fogaan doonaan khilaaf iyo is qabqabsi.

Shirka ka furmaaya magaalada Dhuusamareeb ayuu sheegay inuu taariikhda u gali doono labada dhinac isla markaana lagu wada dhaqmi doono wixii lagu heshiiyo.

Sidoo kale, ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa si weyn loo adkeeyey, iyadoo amnigu ay adkeynayaan ciidamo aad u fara badan, maadaama magaaladu ay martigelinayso shirweyne ballaaran oo lagu dhameystirayo dib u heshiisiinta.

Dhinaca kale, amniga ayaa waxaa ka qeybqaadanaaya ciidamo ka tirsan AMISOM kuwaa oo la qorsheeyay in maantaba la geeyo magaalada Dhuusamareeb.

Caasimada Online

Xafiiska Cadaado

Caasimada@live.com