Wasiir shaaca ka qaaday dhibaatooyinka ay maxkamadaha dalka ku hayaan muwaadiniinta

Muqdisho (Caasimada Online ) – Wasiirka Wasaarada Cadaalada xukuumada Somalia Avv Xasan Xuseen Xaaji ayaa daboolka ka qaaday in Maxkamadaha ka jira dalka ay dhibaato badan ku hayaan muwaadiniinta.

Wasiirka ayaa sheegay inay sii kordhayaan dhibaatooyinka Maxkamadaha ee loo soo gudbinaayo Wasaarada, waxa uuna cadeeyay inay jiraan kiisas dhowr ah oo muujinaaya dhibaatooyinka ay Maxkamadaha ku hayaan Muwaadiniinta.

Waxa uu tilmaamay in muwaadiniinta Soomaaliyeed aysan awoodin qarashaadka ku baxaya maxkamadaha maadaama qareenada u doodaya muwaadiniinta ay u baahan yihiin in ay helaan qarashaad.

Wuxuu sheegay in dadka loo kala sharci qaadayo ay yihiin kuwo kala dhaqaale badan, isla markaana ay dhacdo in dadka qaarkii aysan heysan dhaqaale lasiiyo qareenada.

Kiisaska qaar ayuu sheegay in dadka dacwadaha qaba lagu rogo sababo dhaqaale, waxa uuna Wasiirku dhaliilay hanaanka shaqo ee Maxkamadaha ka jira dalka.

‘’Wey sii kordhayaan dacwadaha waayo haddii muwaadinka aan waxba heysan la yiraahdo dacwad kula tartan kan dhaqaalaha heystaa dabcan wey iska muuqataa in dacwada noocaasi ah ay noqoneyso mid dhinac u janjeerta, waxaan ku baaqeynaa in la dhimo dhaqaalaha qareenada waa haddii la doonaayo in kiisaska horyaal Maxkamadaha ay kusoo dhamaadan qaab cadaalad ah’’

‘’Qareenku waa inuu la shaqeeyo wadciga ka jira dalka balse haddii ay jirto dhaqaale fiirsi oo kaliya anigu ma qabo in dacwadaha horyaal Maxkamada ay kusoo dhamaanayaan si ay cadaalad ku jirto waayo ninka dhaqaalaha heystaa ayaa mar waliba loo janjeeri karaa’’

Wasiirka waxa uu hadalkiisa intaa kusii daray in dadka qaar ay yihiin sabool isla markaana aysan awoodin qarashaadka lasiiyo qareenada,isla markaana qareen la’aan ay maxkamadaha dacwad qaadi Karin.

Hadalka Wasiirka Cadaalada xukuumada ayaa ku soo aadaya xilli dadka Soomaliyeed ay ka cawdaan maxkamdaha ka jira dalka halka qaarkood ay sheegan in aysan awoodin qarashaadka ku baxa qareenada ay qabsadaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com