Akhriso war-murtiyeedka shirka Kismaayo: Maamul gobleedyada oo xiriirka u jaray dowladda dhexe

Kismaayo (Caasimadda Online) – Shirkii Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo afartii cisho ee la soo dhaafay ka socday magaalada Kismaayo ayaa goor dhow la soo gabagabeeyay.

War murtiyeed Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ka soo saareen ayay ug hadleen dhinacyada amniga, siyaasadda, arrimaha dastuurka iyo doorashooyinka.

Maamul goboleedyada ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka inay faragelin ku heyso maamul goboleedyada, isla markaana shaqaalaha u adeegsanayo burburinta maamulada.

Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa sheegay inay hakad geliyeen wada shaqeynta kala dhaheysay dowladda Federaalka inta ay ka gelineyso heshiisyadii ay horay u wada gaareen.

Waxaa ay dowladda ka dalbadeen in ay joojiso Faragelinta iyo ciisad abuurka,in ay garoshiyo ka bixiso faragelinta iyo in la helo nidaam lagu wada shaqeyn karo iyo qodobo kale.