Fiqi: In DF ay ku fashilantay hoggaaminta dalka waxaa caddeynaya baaqa maamul goboleedyada kasoo baxay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ee ku kacsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Go’aannada iyo Baaqa ka soo baxay shirkii Madaxda Maamul Goboleedyada uu caddeyn u yahay in madaxda dowladda ay ku fashilmeen hoggaanka dalka iyo isku heyntiisa.

Qoraal uu soo saaray xildhibaanka oo ay lagu lifaaqay War-murtiyeedkii Shirka Kismaayo ayuu ku sheegay in Baaqa dawlad goboleedyada dalku muujinayo in hogaaminta dalka iyo isku heyntiisa ay ku fashilmeen madaxda Dawladda federaalka ah.

Halkaan hoose ka akhriso hadalka uu Fiqi soo dhigay Bartiisa Facebook:

Baaqa dawlad goboleedyada dalku wuxuu muujinayaa in hogaaminta dalka iyo isku heyntiisa ay ku fashilmeen madaxda Dawladda federaalka ah.

Arrimihii amniga, siyaasadda arrimaha dibadda, federaalaynta, arrimaha doorashooyinka, faragalinta dawlad goboleedyada, xasrad abuurid joogto ah, awood marooqsi iyo fulin la’aanta heshiisyadii horey loo galay ayaa ka mid ah qodobada lagu eedeeyey in ay ku fashilmeen madaxda dawladda dhexe, welibana aysan diyaar u ahayn sixidda fashilkaas.

Barlamaanka labadiisa aqal, xisbiyada siyaasadda I yo waxgaradka Soomaaliyeed waxaa u yaalla in aysan indhaha ka fiirsan xaaladaan marka marba ka danbeysa hoos u sii socota, lana badbaadiyo dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com