Akhriso wararkii ugu dambeeyey ONLF & Itoobiya oo qarka u saaran inay kala saxiixdaan Heshiis Taariikhi ah

Nairobi (Caasimadda Online) – Waxaa maalintii seddexaad galay wadahadaladda magaalada Nairobi uga furmay jabhadda ONLF iyo Dowladda Itoobiya, kaasoo ay dhexdhexaadineyso Kenya.

Wada-xaajoodka oo u socda qarsoodi aan saxaafadda loo ogolaan yaa Afhayeenka ONLF Cabdiqaadir Xasan Hirmooge wuxuu sheegay inay wadahadalada ay si wanaagsan ku socdaan, lagana soo saari doono war-saxaafadeed.

Ma ahan markii koowaad oo ay wadahadlaan Itoobiyo iyo ONLF, laakiin waxa ay u egtahay in kuwan ay aad uga miisaan culusyihiin kuwii hore. Afhayeenka ONLF ayaa yiri: “Barnaamijka siyaasiga ah ee ONLF ayuu ku xusan yahay in khilaafka Ogaadeeniya iyo Itoobiya lagu xaliyo hab wadahadal ah, mana ahan markii ugu horeysay, 1989-kii ayaan wadahadalnay, 1990-kiibaan wadahadalnay”.

Dhammaan wadahadaladaasi waxa ay ku dhammaadeen guuldarro, balse xaqiiqda ah inay hadda isa soo hor fariisteen madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaaliya Cabdi Maxamuud Cumar iyo mas’uuliyiinta wasaaradda gaashaandhiga Itoobiya oo dhinac ah iyo waftiga ONLF oo dhinaca kale ah ayaa wadahadalan ka dhigaya kuwa dad badan ay ka filayaan natiijo wanaagsan.

Taageerayaasha jabhadda iyo kuwa kale ayaa baraha bulshada kusoo qoray in horumar laga gaaray shirka, isla markaasma ay u muuqato in heshiis kama dambeys ah la’isla fahmi doono.

Sida uu sheegay afhayeenka ONLF, waxaa jiri doona shir kan ka weyn oo lagu kala saxiixan doono waxyaabihii lagu heshiiyay.

Waxaa jiray guddi hawsha wadahadalka u xilsaarnaa muddo sanooyin ah oo ka tirsan dowladda Kenya oo uu hoggaaminayo xildhibaan Yuusuf Xaaji oo markii ay wadahadalada bilaabanayeen ahaan jiray wasiirka gaashaandhigga.

Waxaa kale oo guddiga dhexdhexaadinta ka mid ah guddoomiyaha Gaarisa Cali Bunoow Qorane iyo Danjire Maxamed Cabdi Affey, kuwaas oo sida uu sheegay afhayeenka ONLF ay dowladda Kenya markale u xilsaartay hawsha dhexdhexaadinta maadaamaa ay iyaga hawsha horey ugu jireen.

“Dowladda Kenya ayaa u xilsaartay, maadaamaa dhinac ka mid ah uu Af Soomaali ku hadlayay, Itoobiya waxaa matalayay wasaaradda gaashaandhigga, dhanka Kenyana wasiirkii gaashaandhiga xiligaas Yuusuf Xaaji, madaxweynaha hadda jirana isla guddigii hore ayuu dib usoo magacaabay”.

Labada dhinac ee wadahadlaya iyo dhexdhexaadiyeyaashaba dhammaantood waa Soomaali marka laga reebo dhawr qof oo ka socda dowladda federaalka ee Itoobiya.

Markii ugu horeysay waxaa miiska dhinaca kale ka fadhiya madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaaliya Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, kaas oo xurgufta ugu badan ay ka dhaxaysay ONLF sanadihii dhawaa kadib dagaalo ay ciidammada Liyuuga ee ismaamulka la galeen dagaalamayaasha jabhadda.

Sawirro ay soo bandhigeen dhexdhexaadiyeyaasha ayaa waxaa sidoo kale ka muuqda Sheekh Ibraahim Dheere oo ka tirsan wasaaradda gaashaandhiga Itoobiya, kaas oo ay xusid mudantahay in uu horey u ahaan jiray guddoomiyihii jabhaddii Soomaali Galbeed ee Itoobiya la dagaalami jirtay, taas oo heshiis ay gashay kadib hubka ku dhigtay, kadibna dowladda ku biirtay.

Dhanka jabhadda waxaa waftiga hoggaaminaya guddoomiyaha wadahadalada ee ONLF Cabdiraxmaan Sheekh Maadeey, ahna madaxa arrimaha dibedda jabhadda. Waxaa wehliya saddex xubnood oo kale.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com