Maxaa kala socotaa qorshaha shirkad Shiinaha laga leeyahay loogu wareejiyey dhismaha Dekadaha Marka iyo Baraawe?

Baydhabo (Caasimadda Online) – Maamulka Koonfur Galbeed Somaliya ayaa heshiis la gaaray shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha, taasoo lagu wado inay dhisto, isla-markaana ballaariso Dekedaha Magaalooyinka Marka iyo Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Sida uu qorshuhu yahay Shirkadda SIIH (Silkroad International Industry Holding) oo bahwadaag la ah Shirkadda Damerjog oo laga leeyahay dalka Jabuuti ayaa marka hore dhisi doonto dekedda ku taala Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose ee Magaalada Marka.

Silkroad International Industry Holding ayaa dhismaha Dekedda Magaalada Marka bilaabi doonto sanadkan gudahiisa.

Heshiiskan oo mid saddex geesood ahaa ayaa waxaa Isniintii shalay Magaalada Djibouti ku wada gaaray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Gudoomiyaha Maamulka Dekedaha Jabuuti, Abuubakar Cumar Hadi iyo mas’uuliyiin ka socday Shirkadda SIIH.

Munaasabadda heshiiskan lagu kala saxiixday ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno uu ka mid yahay Danjiraha Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Somaliya, Danjire Aadan Xasan Aadan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com