Akhriso: Xil. Mahad Salaad oo ka hadlay faragalinta lagu hayo midnimada iyo madax-banaanida Somalia

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan baarlamanaka Somalia ayaa qoraal uu soo dhigay beejkiisa uga hadlay dhibaatooyinka ay dowladaha shisheeye ku hayaan Madaxbanaanida Somalia.

Xildhibaan Mahad Salaad, ayaa qoraalkiisa ku muujiyay inaanu ku waajibin aamusnaan iyo inay indhaha ka fiirsadaan xadgudubka ay shisheeyaha ku hayaan Madaxbanaanida iyo Madaxda dalkuba oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.

Xildhibaan Mahad Salaad, ayaa Madaxweynaha dalka ku booriyay inuu qaado talaabo lidi ku ah dowladaha Shisheeye eek u xadgudbay madaxbanaanida Somalia.

Waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay kula xisaabtamayaan Madaxbanaanida iyo dhammaan Hantida Qaranka oo ay ku jirto Dekadaha dalka.

HALKAAN KA AKHRISO QORAALKA XILDHIBAAN MAHAD SALAAD

Madaxdeena in dowlado shisheeye ku xadgudbaan waxay ka dhigantahay midnimada iyo madax-banaanida Soomaaliya oo meel looga dhacay!

Weerarka lagu hayo Madaxda Soomaaliya ee ka socda baraha bulshada (social media) ayna gadaal ka riixayso Dowlada Imaaraadka Carabta wuxu xadgudub labaad ku yahay madax-banaanida iyo jiritaanka dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo inkstoo siyaasad ahaan aan dhaliilsanahay hadana waa Madaxweynihii dalka, maqaam iyo hab-maamuus gaar ah ayuuna leeyahay, wuxuuna astaan u yahay midnimada iyo qaranimada Soomaaliya sida ku cad qodobka 87aad ee Dastuurka KMG ah, in si shaqsi ah dowlado shisheeye ugu xad gudbaana waxay ka dhigantahay sharafta, karaamada iyo madax-banaanida dalka oo meel looga dhacay.

Mana aqbali karno in Dowlado shisheeye ay u gafaan madaxdeena iyaga oo ka tarjumaya dano liddi ku ah midnimada, madax-banaanida iyo dowladnimada Soomaaliya, waana inaan meel uga soo wada jeesanaa.

Hon. Mahad Salad

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com