Sawirro & Caddeyn:  Imaaraadka Carabta oo Weerar dhinaca Baraha Bulshada ah ku bilaabay Madaxweynaha Soomaaliya

Dubai (Caasimadda Online) – Imaaraadka Carabta ayaa dagaal dhinaca baraha bulshada ah ku furay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llahi Farmaajo.

Dagaalkan oo intiisa badan ka socda Twitter-ka ayaa koox askar dhinaca internetka ah oo la sheegay in Imaaraadka uu kireystay ay bilaabeen inay furaan baro lagu aflagaadeeyo madxaweynaha Soomaaliya.

Barahan ayaa abuuray haldhigyo ama Hashtag ay ka mid yihiin in la rido madaxweyne Farmaajo, inuu Soomaaliya u yeelay weji xun oo macaluul ah inuu la safan yahay Dalka Qatar iyadoo la adeegsanayo sawirro muujinaya Soomaali macaluulsan.

Dagaalkan ayaa waxaa kashifay iyadoo la adeegsanayo luqadaha ingiriiska iyo Carabiga, waxayna Farmaajo ku sifeeyeen qaarkood Daalim iyo ereyo kale oo kasii fool xun, waxaana Imaaraadku u muuqdaa inuu ka quustay taageero uu ka helo madaxda sare ee dalka si uu ula wareego ilaha dhaqaalaha dalka, taasoo ku kaliftay inay dagaal u caddeystaan.