Sh. Abuukar Xasan Maalin oo dadka Soomaaliyeed ka codsaday inay caawiyaan Gabadhaan ku dhalatay cudur halis oo dalka wax looga qaban waayey

Muqdisho (Caasimadda Online) – Shiikh Abuukar Xasan Maalin oo kamid ah Culumada Soomaaliyeed ayaa dadweynaha ku nool Soomaaliya iyo Debadda usoo diray Farriin qiiro leh oo ku saabsan Gabar jirto hal bil oo ku dhalatay cudur saameyn ku yeesha  qeybo kamid ah Jirkeeda.

Gabadhaan oo kasoo jeedo qoys faqiir ah ayaa awoodi waayey inay Gabadhooda u qaadaan dalka Debadiisa maadaama Isbitaalada Muqdisho ay sheegeen inaan waxba looga qaban karin gudaha Soomaaliya.

Shiikh Abuukar ayaa  dadka Soomaaliya meel kasta oo ay joogaan ka codsaday inay caawiyaan gabadhaan Masaakiinta ah si ay u Alle uga helaan ajar farabadan.

Shiikha ayaa soo duubay muuqaal uu kaga hadlayo arrintaan iyo sida uu egyahay cudurka hayo gabadhaan.

Haddaba halkaan hoose ka daawo muuqaalka kadib sii faafi si ay u gaarto dad badan oo ay macquul tahay inay caawiyaan gabadhaan yar”: