Falastiin oo si aan la fileynin dhulka ugu jiiday dowladaha carbeed kadib guuldarooyin isbiirsaday

Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka Falastiin ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay daciifnimada ay dowladaha Carabta ka muujinayaan qadiyada Qudus.

Maamulka ayaa sheegay in dowladaha Carabta ay si bareera indhaha uga qabsanayaan dhibaatooyinka iyo rabshadaha heysta Falastiin tobankii sano ee la soo dhaafay.

Riyad al-Maliki oo ah Wasiirka arrimaha dibedda Falastiin ayaa sheegay in dowladaha Carabta ay u shaqeynayaan si cagsi ah.

Waxa uu tilmaamay Wasiirka in carabta oo idil ay arrinta Qudus iyo gumaadka lagu hayo shacabka Falastiin ku dhiirigalisay dowlada Mareykanka iyo Israel.

Riyad al-Maliki, waxa uu tilmaamay in ficilka dowladaha Carabta uu gaaray heerkii ugu hooseeyay kadib markii ay dowlada Maraykanka ku dhiirigaliyeen inay sii wataan qorshahooda ku aadan in al-Qudus laga dhigo caasimadda reer Israa’iil.

Riyad al-Maliki, ayaa yiri “Guuldaradeennu waxay sidoo kale dhiirigelisay waddan yar sida Guatemala inay go’aansadaan in safaaraddiisa loo wareejiyo al-Qudus,”

Waxa uu intaa ku daray in wasiirada arrimaha dibadda ee Guatemala Sandra Jovel aysan ka laaban doonin go’aankeeda ah in ay u wareejiso safaarada Al-Qudus, “sababtoo ah waxay si buuxda u ogyihiin in dalalka Carabta aysan saarin wax cadaadis ah Guatemala si ay uga noqdaan tallaabadaasi.”

Waxa uu yiri ‘’Dowladaha caalamka ee horumaray waxa ay ku fakirayaan horay u talaabsi, Carabtuna waxa ay xiligaan garan la’ yihiin halka ay Qudus ka xigto oo waxa ayba Mareykanka ku taageereen go’aanka Qudus looga dhigaayo caasimada Israel’’’.

Riyad al-Maliki, ayaa intaa raaciyay inay la socdaan dowlado dhowr ah oo aanba rabin in Falastiin ay sii jirto waxa uuna cod dheer ku sheegay in taariikhdu ay xusi doonto dhacdooyinka hadda jira.

Haddalka iyo qeyla dhaanta Riyad al-Maliki, ayaa imaaneysa iyadoo Madaxwaynaha Guatemala Jimmy Morales uu ku dhawaaqay in safaaradda Tel Aviv loo wareejin doono magaalada Qudus 16-ka May, laba cisho ka dib marka oo dowlada Maraykanku la qorsheeyay in uu safaaradiisa u wareejiyo Al Qudus.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com