DFS oo xog ka bixisay Dacwada ay ka gudbisay shirkadda DP World (Akhriso)

Muqdisho (Caasimada Online)-Safiirka Jamhuuriyadda Somaliya u fadhiya Dalka Masar C/qani Maxamed Wacays oo la hadlay Warbaahinta DFS ayaa faah-faahin ka bixiyay shirka Wasiiradda Arrimaha diba Dalalka ku midaysan Ururka Jaamacadda Carabta.

C/qani Maxamed Wacays Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Masar ayaa sheegay in sanadkaan Somalia shirka Wasiiradda Jaamacadda Carabta hor gaysay waraaq dacwo ah oo ka dhan ah shirkadda DP WORLD oo laga leeyahay Dalka Imaaraadka taaso heshiis maalgashi ee Dekedda Berbera la gashay Maamulka Somaliland.

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Masar u fadhiya C/qani Maxamed Wacays ayaa tilmaamay in dacwadaan ay daba joogta hadalkii dhawaan kasoo yeeray Ra’isul wasaaraha xukumadda Federaalka Somalia kaasoo ku aadanaa in Dowladda Somalia aqoonsanayn heshiiska shirkadda DP WORLD ay la gashay Maamulka Somaliland.

Maamulka Soomaaliyeed ee Somaliland maamulana Gobalada waqooyi galbeed Somalia ayaa dhawaan heshiis horumarineed la galay Dowladda Ethiopia iyo shirkadda DP WORLD ee laga leeyahay Dalka Imaaraadka hasa-yeeshee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaashaanka ku dhufatay heshiiskaas iyadoona tilmaantay inaan lagala tashan Maalgashiga Dekedda Qaranka Soomaaliyeed ee Magaalada Berbera.

Si kastaba ha ahaatee, Safiirka Somalia ee Masar ayaa sheegay in Dowlada Somalia ay natiijo degdeg ah ka sugeyso Dalalka ku midaysan Ururka Jaamacadda Carabta oo iyagu la kulmi doona Madaxda ugu sareysa dalka Imaaraadka iyo Shirkada DP WORLD.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com