Al-Dawaahiri oo war kasoo saaray sida Al-Shabab ay ula dhaqantay Caa’isha Romano

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Ayman Al-Dawaahiri oo ah hoggaamiyaha ururka Al-Qaacidda ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sida ay kooxda Al-Shabaab ugu qancisay inay diinta Islaamka qaadato Caa’isha Romano, oo ah gabar u dhalatay dalka Talyaaniga, oo ay afduub u heysan jireen kooxdaan balse hadda ku sugan Talyaaniga.

Al-Dawaahiri ayaa sheegay in qaadashada Diinta Islaamka ee Caa’isha Romano ay ku timid qaabka wanaagsan oo kooxdaan ula macaamishay intii ay ku jirtay gacantooda, wuxuuna sheegay in kooxda Al-Shabaab ay muujisay suuradda dhabta ah ee Islaamka, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka uu soo diray Ayman Al-Dawaahir oo ay baahisay Mu’asasada As-Saxab ayuu ku sheegay inuu sidoo kale aad u bogaadinayo howlaha jihaadiga ah oo ay waddo kooxda Al-Shabaab.

Si gaar ah wuxuu u ammaanay howlgallada Jihaadiga ah ee “Qudus lama Yahuudeynayo” ee ay ku beegsadeen saldhigyadii Mareykanka ee Soomaaliya iyo Kenya.

Caa’isha Romano ayaa sheegtay inay qaadatay Diinta Islaamka, waxayna ugu dambeyn ku laabatay dalkeeda Talyaaniga halkaas oo ay ku guursatay nin Muslim ah, waxayna sheegtay in kooxda Al-Shabaab ay si wanaagsan ula dhaqmi jireen intii ay ku jirtay gacantooda.

Caa’isha Romano waxay sheegtay in kahor inta aanan la afduubin ay ka duwaneyd sida hadda ay tahay, wax xirir ahna uusan xilligaas kala dhaxeynin Allah Subxaanahu Watacaala iyo iyada.

Markii ay yareyd waxay sheegtay inay “fikir khaldan ka heysatay diinta Islaamka oo marka ay aragto dad xiran dharka lagu yaqaano dadka Muslimiinta ah ay u arki jirtay in ay yihiin dad la caburinayo.”

Waxay intaa ku dartay inkastoo “khaladaad badan” ay in ay ka aaminsaneyd diinta Islaamka in haddana laga caawiyay inay wax badan ka fahamto Muslimninada waxa ay tahay, oo waxay xustay “inay ahayd qof jaahil ah oo iska indha tiri jiray diinta Islaamka.”

Intii ay joogtay deegaanka Chakama ee dalka Kenya, waxaa ay tiri: “dad badan oo Muslimiin ah ayaan halkaas ku arki jiray, balse taasi ma aysan igu dhiiragelinin in aan qaato diinta islaamka”.

“Waxaan arki jiray dad xiran khamiis, maalminta Jimcaha iyo dadka oo salaadda u aadaya misaajidka, balse xilligaas ma aanan daneyn jirin diinta Islaamka,”ayay tiri mar ay la hadleysay wargeyska Laluce ee ka soo baxa dalka Taliyaaniga.

Waxay gabadhan sheegtay in markii la afduubay oo la sii watay ay isweydiisay su’aalo dhowr ah ay ka mid yihiin: “Waxaan u imid Kenya in aan dadka caawiya oo wax wanaagsan ayaa sameynayay ee maxay waxani iigu dhacayaan? Maxay tahay sababta aanan loo afduubanin gabdhaha kale?”

Waxay tilmaamtay in markii la afduubay la geeyay xabsi ku yaala gudaha Soomaaliya. “Waxaa is dhahay – dabcan waxaa laga yaabaa in sababta aan dhibkan u marayo ay tahay ka fogaanshaha aan ka fogaaday Allaah, tasina ay tahay sababta la ii ciqaabayo.”