Daawo: Goorta la billaabayo doorashada Aqalka Sare ee Somaliland oo la shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan looga hadlayay qabashada doorashada Aqalka Sare  ee Gobollada Woqooyi la yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka iyo Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in doorashada kuraasta Somaliland ay ku dhici doonto fikir wada-ogol ah oo aan cidna lagu dulmi doonin.

“Waa ii farxad inaan maanta idinla kulmo idinkoo gacmaha is-heysta, waxaan diyaar u ahay goob kasta oo ay ku heshiiyaan Guddoomiyaha iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka in doorashada lagu qabto in aan ku raaci doono, shacabka Soomaaliyeed-na waxaan u sheegayaa in doorashadii Somaliland ay horay u socotay, waxaan sugnaaba waa doorashada Aqalka Sare ee Somaliland oo bilaabata,” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Rooble.

Dhankiisa Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay kaalintii uu ka qaatay xallinta khilaafkii arrimaha doorashooyinka Somaliland, isagoo u ballan qaaday in ay ku garab taagan yihiin hoggaamintiisa howlaha doorashooyinka dalka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa yiri, “Waxaan galabta isugu nimid in aan ku kala war-qaadano dhaqaajinta howsha doorashooyinka Somaliland, waxaa noo qorsheysan in doorashada Aqalka Sare aan deg deg u guda galno anagoo mid ah, aniga iyo guddoomiye Cabdi Xaashi waxaan soo gudbi doonaa liiska musharaxiinta Aqalka Sare, isada ugu dhaqsiyaha badan.”

Mahdi Guuleed ayaa sheegay in maalinta Sabtida ah ee soo socota ay bilaaban doonaan doorashooyinka Aqalka Sare ee Somaliland, isla markaana todobaadka soo socda la soo dooran doono 11-ka kursi ee Aqalka Sare ay leeyihiin siyaasiyiinta reer Somaliland.

Hoos ka daawo