Al-Shabaab oo 72 saac u qabtay shacabka dagan ku dhowaad toban tuulo

Wanlaweyn (Caasimada Online) – Dhamaan dadkii daganaa ku dhowaad 10 tuulo oo ka tirsan degmada Wanla-weyn ee gobalka Shabeellada Hoose ayaa ka baxay guryahooda kadib markii ay dhamaatay mudadii loo qabtay oo aheyd 72 saacadood.

Qoysaskaan ayaa daganaa tuulooyinka iyo degaanada kala ah Leego, Yaaqbari weyne, Beladul-amiin, Goobaanle, Guulow, Saha-weyn, Saha-yar, iyo kuwa kale waxaana in ay barakacaan ku amray dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Dhul ballaaran ayaa la gubay, waxaana la toogtay dad badan oo degaanadaas ku sugnaa, kuwaas oo diiday in ay ka baxaan guryahooda.

Sababta ay dadkaan halkaas uga guurayaan ayaa ah dagaalka u dhaxeeya Al-Shabaab iyo maleeshiyo macawuusleey ah oo dhulkaas dagan, kuwaas oo looga adkaaday dagaalo ay la galeen Al-Shabaab.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa damacsan in ay jaraan wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo iyagoo fariisin ka sameysan doono degaanada aan soo sheegnay oo muhiim u ah wadadaasi. K/Galbeed ilaa hada kama aysan hadlin talaabada ay qaadeen Al-shabaab oo degaanka halis ku ah.