Sheekh Maxamed Idiris oo sheegay ‘cidda iska leh eedda’ waxa maanta dhacaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Idiris oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan, isla markaana aad u teegeeri jiray madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa hadda qalqalka ku yimid  dowladnimada ku eedeeyey Madaxweyne Farmaajo.

Sheekha oo wareysi siiyey TV-ga Universal ayaa ka hadlay rabshadihii todobaadkii hore ka dhacay magaalada Muqdisho, isagoo wax kasta oo dhacay eedeyntooda dusha ka saaray dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo oo markii hore uu taageero weyn u ahaa.

Sheekh Maxamed Idiris waxa uu qabaa in mudaharaadku uu qatar ku yihiin amniga caasimadda, “Waxaa fiican intii laga fogaan karo wax kasta oo isku dhac keeni kara oo mudaharadyadu ka mid yihiin in laga fogaado,” ayuu yiri.

Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Dowladdu ma ahan inay aad uga baqdo dad ra’yigooda cabiraya, waxaaba laga yaabaan in kheyr ugu jiro oo dadka u soo baxa la waayo banaanbaxa ay ku baaqeen musharaxiintu, laakiin wa khatar weyn in lagu murmo dowladu ma jirto iyo waa jirtaa.”

Sidoo kale Sheekha ayaa sheegay in wax kasta oo mas’uuliyad darro ah oo maanta dalka ka dhacaya uu dusha ka saarayo dowladda uu hoggaamiyo madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo, isagoo ku eedeeyey in doorasho aysan qaban, heshiisna keenin, waqti kalena aysan codsan.

“Sax waaye in mucaaradku dalbado doorasho oo awooda saaro dowladda, intey doonto hanagu qaadato, laakiin si nabad ah waa in dalabkaas aan ku gudbinaa, qaladka musharaxiintu waxuu yahay dowladdu ma jirto hadii aan dhahno, halkaan ciirsaneynaa,” ayuu yiri Sheekh Maxamed Idiris.

Sheekhu waxuu ka codsaday madaxda mucaaradka inay fiiriyaan maslaxadda dowladnimada dalka, “Waxaan leeyahay walaalayaalow isku sabra, oo banaanbaxyada dhiiga keeni kara joojiya ee si kale wax ku dalbada,” ayuu yiri.

Hoos ka Daawo