Hindiya oo soo saartay digniin la xiriirta xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Hindiya ayaa markii ugu horreysay si faah faahsan uga hadashay xaaladda dalka & rabshadihii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Safiirka Hindiya u qaabilsan Qaramada Midoobay TS Tirumurti Addresses ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan yahay in xal deg-deg ah laga gaaro muranka doorashooyinka.

Sidoo kale wuxuu ka digay sii socoshada khilaafka ka jira dalka, isaga oo tilmaamay in culeyska uu kasii darayo, haddii aan meesha laga saarin muranka ka taagan dalka.

Mr. Tirumurti ayaa ugu baaqay hoggaamiyeyaasha Soomaalida inay wada-hadal ku dhammeeyaan xiisadda, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka.

“Hadii shakiga ku aadan in doorashooyinka aysan qabsoomeyn uu sii xoogeysto, waxaa sii cuslaaneysa xaaladda, waxaana muhiim ah in hoggamiyeyaasha Soomaalida ay ka heshiiyan khilafka doorashooyinka,” ayuu yiri Danjire TS Tirumurti.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in dib u dahc kasta ee ku yimaada doorashooyinka  ay ka faa’iideysan karaan Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee kajira Soomaaliya.

Si kasta digniinta kasoo baxday Hindiya ee xaaladda Soomaaliya ayaa kusoo aadeysa, xilli weli dalka uu ku jiro marxalad adag oo kala guur ah, islamarkaana aan weli heshiis dhab ah laga gaarin hanaanka doorashada dalka dhaceysa sanadkan aynu ku jirno ee 2021-ka.