Al-Shabaab oo dagaal ku gashay ismaamulka Gaarisa

Gaarisa (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda Kenya iyo maleeshiyada Al-Shabaab oo shalay ka dhacay qaybo kamid ah ismaamulka Gaarisa, kaas oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii xubno kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada Kenya ay ku lahaayeen deegaanka lagu magacaabo Xarxarka, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu geystay khasaare kala duwan, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka Kenya oo ka hadlay dagaalkaas ayaa sheegay inuu ka dhashay weerar gaadmo ah oo ay soo qaadeen Al-Shabaab, balse ay ka hortageem.

Sidoo kale weerarka kadib waxaa la sheegay in Al-Shabaab ay gubeen teendhooyin ku yaalla deegaanka, sidoo kalena ay sii mareen tuulo u dhow oo ay ku gubeen saldhig ciidan.

Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana ciidanka Kenya ay howlgallo baaritaano ah ka wadaan qaybo kamid ah ismaamulka Gaariga oo ah halka lagu dagaalamay.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dhowaan Kenya ay ciidamo badan soo dhoobtay xadka ay la wadaagto Soomaaliya, si ay sugaan amniga guud ee deegaanadaasi.

Sidoo kale weerarkan ayaa qayb ka noqonaya isku dayada hubeysan ee ay Al-Shabaab ka wado gudaha dalka Kenya, kuwaas oo ay ku beegsaneyso ciidanka Kenya iyo safareyda.

Si kastaba, weeraradan ayaa kordhay todobaadyadii u dambeeyay, waxaana dhowr qarax iyo weeraro toos ah ay ka dhaceen deegaano u dhow xadka ay wadaagaan labada dal.

Kenya ayaa qayb ka ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, isla markaana la dagaalama kooxda Al-Shabaab, iyaga oo ku sugan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.