Shabaab oo laba dhalinyaro ah ku dishay gobolka Hiiraan

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay xalay ku dileen deegaanka Tayeeg ee gobolkaasi laba wiil oo dhalinyaro ah.

Deegaankan ay kooxda Al-Shabaab ku dishay dhalinyaradan ayaa dhaca inta u dhaxeysa magaalooyinka Halgan iyo Garasyaani ee gobolka Hiiraan.

Dilka labada wiil ee dhalinyarada ah ayaa la sheegay inuu yimid kadib markii dagaal-yahaano ka tirsan kooxda ay jidka u galeen, iyaga oo ku socdaalayay Mooto la sheegay inay kaga shaqeysan jireen deegaanadaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in willasha la dilay ay ahaayeen kuwa kamid ah dhalinyarada degmada Halgan ee gobolka Hiiraan, laguna kala magacaabi jiray AUN Ciise Cabdi Xuseen iyo Cabdicasiis Cabdullaahi Maxamed.

Si dhab ah looma oga sababta ka dambeysa dilka labada wiil ee dhalinyarada ah iyo waxa ay kooxda u beegsatay, hase yeeshe waxa uu kusoo aadaya toddobaad un kadib markii kooxda ay sheegtay inay furtay isticmaalka wadada laamiga ah ee isku xirta Beledweyne iyo Buula-burte ee gobolka Hiiraan.

Wadadan ayaa kooxda Al-Shabaab u xayirneyd in ka badan 10 sano, waana mid muhiim u ah isku socodka magaalooyinka Beledweyne iyo Buula-burte.

Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa dagaal adag kala kulantay gobolka Hiiraan, xilli uu dalka ku baahay gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda, kaasi oo wejigiisa hore laga gaaray guullo horleh, laguna xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah.