AL-SHABAAB oo shaqaale kasoo afduubatay’ KENYA

Nairobi (Caasimada Online) – Rag loo maleynayo inay ka tirsan yiihiin xoogaga Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa inay weerar ka fuliyeen gobolka waqooyi bari, Kenya.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan aya awaxaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday gaari nooca ambalaasta ah oo ay la socdeen shaqaale caafimaad, sida uu sheegay Booliska

Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday in kooxda weerarka fulisay oo lala xiriirinayo Al-Shabaab inay afduub u geysteen gaarigaas, laba ka mid ah shaqaalaha caafimaadka iyo sidoo kale darawalkii waday, xilli ay marayeen meel ku dhow xadka Kenya iyo Soomaaliya.

Booliska ayaa intaa ku daray in raggaas loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab inay weerar gaadmo ah ku qaadeen ambalaasta oo ay leedahay dowlad goboleedka Mandera ee waqooyi bari Kenya xilli ay bukaanka u qaadaysay isbitaal ku yaala deegaanka.

Sidoo kale taliska saldhiga Lafey ee Mandhera ayaa sheegay in Ambalaasta iyo shaqaalaha caafimaadka ay kusii jeedeen isbitaalka Ceelwaaq si loogu gudbiyo bukaan, iyada maleeshiyada looga shakisanyahay Al-shabaab ee qafaashay baaburka iyo shaqaala ay ula baxsadeen dhinaca Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana ciidamada Kenya ay howlgallo lagu baadi goobayo kooxda weerarla geystay ay ka bilaabeen halkaasi, si loo soo bad-baadiyo shaqaalaha.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro khasaare geysta ka fulisa gudaha waddanka Kenya, gaar ahaan gobolka waqooyi bari oo so xiga dhinaca Soomaaliya.

Si kastaba, waxaa xusid mudan in kooxdu ay horey u beegsatay ciidamada ammaanka, iskuullada, gaadiidka, magaalooyinka iyo isgaarsiinta waqooyi bari  Kenya, taasi oo qeyb ka ah ololaha ay Kenya ku cadaadineyso, si ay ciidamadeeda ugala baxdo dalka Soomaaliya.