Rag hubeysan oo weerar ka geystay Milxo + Khasaaraha

Milxo (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar qorsheysan oo markale xalay ka dhacay deegaanka Mixlo oo ku yaalla gobolka Sanaag.

Weerarkan oo sababay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay fuliyeen rag hubeysan oo afka soo duubtay.

Wararka ayaa sheegaya in dableyda hubeysan oo goobta isaga baxsatay ay rasaas ku furtay dad shacab ah ooku caweynayey mehrad ganacsi oo ku taalla halkaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkan ku dhintay hal qof, ayada oo ay ku dhaawacmeen saddex kale, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee Puntland, kuwaas oo gurmad u sameeyey dadka ay waxyeelada soo gaartay, waxayna sidoo kale haatan wadaan howlgallo baaritaano ah oo lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyey dhacdadaas

Illaa iyo hadda ma cadda heybta dableyda weerarkan fulisay iyo waxa ay salka ku heyso dhacdadaan sababtay dhimashada iyo dhaawaca.

Si kastaba, dhowr jeer oo hore ayaa sidaan oo kale weeraro sababay dhimasho iyo dhaawac waxayan uga dhaceen Milxo, kuwaasi oo midkood uu ahaa qarax xoogan, walow ninkii farsameeyey qaraxaa soo baxsad ahaa ciidankaPuntland ay ku qabateen Boosaaso.