SOMALILAND oo cadaadis xoogan kala kulmeysa beesha caalamka + Sababta

Hargeysa (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu Golaha Guurtida Somaliland ku dhawaaqay muddo kordhin 2 sano ah oo u sameeyay madaxweyne Muuse Biixi, ayaa waxa isa-soo tarayay cadaadiska ay beesha caalamka saareyso xukuumadda iyo saamileyda siyaasada.

Beesha Caalamka ayaa rabta in xal wada-ogol ah laga gaaro khilaafka ka dhashay muddo kordhinta, si meesha looga saaro xiisada siyaasadeed ee arrintaas sababtay.

Safiirka Ingiriiska iyo ku-simaha safiirka Mareykanka ayaa shalay kulan xasaasi ah oo dhanka fogaan araga (Video Conference) la qaatay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Safiirada ayaa waxay ka dhageysteen madaxweyne Biixi warbixin ku aadan howlaha doorashooyinka, sida tartanka ururada siyaasada iyo qabsoomida doorashooyinka kusoo food leh Somaliland, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada.

Madaxweyne Biixi ayaa sidoo kale wuxuu u xaqiijiyay safiirada beesha caalamka inay xukuumaddu diyaarisay kharashka ku bixi doona diiwaan-gelinta iyo doorashooyinka Somaliland.

Safiirada ayaa dhankooga ballan-qaaday inay si dhow ula shaqeyn doonaan Somaliland, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka oo muddooyinkii dambe uu ka dhashay khilaaf xoogan.