Kenya oo ciidan u dirtay dal mucaarad xooggan dagaal ka wadaan si ay ula dagaalaan

Nairobi (Caasimada Online) – Kenya ayaa maanta ciidamo ku daadgureysay bariga dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, taasi oo qeyb ka ah howlgal goboleed wadajir oo ka dhan ah mucaaradka, waxaa sidaas ku dhowaaqay madaxweyne William Ruto.

Kooxaha hubeysan ee Bariga Congo ayaa sare u qaaday weerarada, iyagoo dib u soo nooleeyay cadaawad soo jireen ah, waxayna sare usii qaadeen xiisadda Congo kala dhaxeysa dalka deriska ah ee Rwanda.

Hoggaamiyayaasha ururka Bulshada Bariga Africa (EAC) ayaa bishii April isku raacay inay dhisaan ciidan wadajir ah oo gacan ka gaysta soo celinta amniga gobolka.

Isaga oo ka hadlayey xaflad ka dhacday Nairobi, madaxweye Ruto ayaa sheegay in ciidamada “ay ku jiraan howlgal ay ku badbaadinayaan bani’aadannimada.”

“Deris ahaan, masiirka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo iyo keena waa isku xiran yihiin,” ayuu yiri.

“Ma ogolaan doonno in kooxo hubeysan, dambiilayaal iyo argagixiso ay noo diidaan barwaaqada aan wadaagno.”

Kenya ayaa hoggaamin doonta ciidamada, oo ay ku jiraan askar ka socota dalalka Burundi, Uganda iyo South Sudan.

Ciidanka ka socda Rwanda ayaa la gayn doonaa xuduudda kadib markii Kinshasa ay diiday ka qeybgalka Kigali ee howlgal kasta oo ka dhaca gudaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo.

Saraakiil militari oo ku sugan Nairobi ayaa diiday inay shaaca ka qaaday tirada ciidamada Kenya ee ku lugta leh howgalka, ayaga oo qiil ka dhigaya “sababo amni oo cad”.

Xoogagga QM ee marka Faransiis ahaan loo soo gaabiyo loo yaqaan MONUSCO ayaa sidoo kale ka howlgalaya Congo. Uganda iyo Burundi ayaa sidoo kale ciidamo u diray dalkaas kal hore kadib casuumad ay ka heleen dowladda.

Mucaaradka M23 ayaa dagaalka dib u billaabay 2021-kii kadib markii ay hubka dhigeen sanado badan ayaga oo dowladda ku eedeeyey inay ku guuldarreysatay inay ixtirmaato heshiiska dagaalyahanada loogu dhex deri lahaa ciidamada.

Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo ayaa ku eedeysay Rwanda inay taageereyso maleeshiyada M23, eedeymahaas oo Kigali ay beenisay.

AFP, VOA