Sawirro: R/W Xamza oo isugu yeeray ganacsatada Xamar kadib qaraxyadii Zoobe 2

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa kulan la qaatay xubno ka socday Ganacsatada Soomaaliyeed oo uu kala hadlay kaallinta kaga aadan Gurmadka iyo taakuleynta dadkii ku wax yeeloobay qaraxyadii shacabka badan lagu xasuuqay ee Soobe 2.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen guddiga heerka wasiir ee xukuumadu ay u xilsaartay maareynta musiibadii ka dhalatay qaraxyadaas iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusf Madaale.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray doorka ganacsatadu ay ku leeyihiin samata-bixinta iyo midaynta kaalmaha dhaqaale ee lagu taakuleynayo dadka ay wax yeelladu ka soo gaartay qaraxyadii Soobe 2 ee Al-Shabaab ay Muqdisho ka fuliyeen 29-kii October.

“Ra’iisul Wasaare Xamse oo ganacsatada ugu mahad celiyey doorkooda muuqda, ayaa xusay in wadajir xoogga loo saaro sidii shacabka loogu gurman lahaa, dowladduna ay qaaday tallaabooyin wax ku ool ah, lana sii wadi doono howlaha gurmadka, shacabka Soomaaliyeedna looga baahan yahay in ay sii kordhiyaan gurmadka iyo dadaalka ay wadaan,” ayaa lagu yiri qoraal uu kulankaas ka soo saaray xafiiska R/Wasaaraha.

Kulankaan uu Xamse Barre la yeeshay ganacsatada Muqdisho ayaa ku soo aadaya iyadoo dowladdu ay laba jibaartay cadaadiska ay saareyso ganacsatada, si meesha looga saaro canshuurta ay siiyaan kooxda Al-Shabaab.

Ganacsatada Soomaaliyeed oo kooxda Al-Shabaab badda siiya ayaa weli hoos u dhigaya go’aankooda, mana jiro ganacsade shaaciyey inuu dhaqaalihii ka jartay kooxda.

Arrintaas waxaa loo sabaneynayaa guulaaha ay dowladdu ka gaareyso furimaha dagaalka oo yar iyo ganacsatada oo weli beylah u ah Al-Shabaab, maadaama aan dalka laga xoreyn, iyaguna aysan sameysan ilaalo ka difaacda kooxda.