DF oo shaacisay ujeed laga lahaa qaraxyadii ZOOBE 2

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo maanta ka hadlay kulan duco iyo xus loogu sameynayey dadkii ku dhintay qaraxyadii Sabtidii ka dhacay agagaarka Zoobe ayaa shaaca ka qaaday ujeedka laga lahaa qaraxyadaasi oo ay mas’uuliyaddoodu sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Fiqi ayaa marka hore sheegay in dad shacab ah oo aan waxba galabay lagu xasuuqay weeraradaas, isla-markaana si nabad ah ugu ganacsanayey halkaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in maalintaas Al-Shabaab u dagaal uga furmayaa meelo kala duwan oo ka mid ah furimaha dagaalka uu ka socda gobollada, balse ay kasoo weecdeen.

“Ayadoo nimanka Khawaarijta ah oo ay furimo badan oo ay ka diriri karaan u furan yihiin maalinkaas dagaalbaa uga furnaa Masaajid Caliguduud, maalinkaas Hiiraanbaa dagaal uga furnaa, maalinkaas Galgaduudbuu uga furnaa, maalinkaas Bakoolkbuu uga furnaa, Shabeelaha Hoose  ayuu uga furnaa,” ayuu yiri wasiir Axmed Macallin Fiqi.

Wasiirka arrimaha gudaga oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Al-Shabaab caro heysay darteed ay u beegsadeen shacabka ku sugnaa agagaarka wasaaradda waxbarashada, ayna ka soo baqdeen inay si foolka fool ah u wajahaaan ciidamada, sida uu hadalka u dhigay.

“Intay halkaas kasoo jiireeyeen oo kasoo baqdeen ayey caro iyo xasuuq u geysteen dadkii KM5 joogay maalinkaas,” ayuu markale sii raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay guud ahaa dadka Soomaaliyeed inay u midoobaan la dagaalanka Al-Shabaab, si looga saaro meelaha ay ka joogaan dalka.

Halkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan magaalada Muqdisho uu ka socdo gurmad ballaaran oo loo fidinayo dadkii ay waxyeelada ka soo gaartay qaraxyadii Zoobe.