Xog: Maxamuud Shiddo iyo Asad Diyaano oo ka shiray damaca muddo kororsi ee Deni

Nairobi (Caasimada Online) – Maxamuud Shiddo iyo Asad Diyaano oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradsan madaxweyne Siciid Deni ayaa kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya sida ay xaqiijinayaan xogo lagu kalsoon yahay.

Labada siyaasi ayaa kamid ah dadka sida weyn uga horjeeda in uu mudda kororsi samaysto madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo mudda xileedkiisu ku eg yahay 8 Jan 2024.

Inkastoo aysan jirin xog rasmi ah oo ka soo baxday kulanka Maxamuud Shiddo iyo Asad Diyaano, haddana warar hoose ayaa sheegaya in mucaaradka ku sugan Bari iyo Nugaal ay ka midaysan yihiin diidmada mudda kororsiga.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo hadda ku sugan magaalada Muqdisho ayaa isna saacadaha soo socda ku wajahan Nairobi waxaana xusid mudan in safarkiisa Nairobi aysan ku wehelin cid ka tirsan dowladda.

Siciid Deni ayaa lagu wadaa in uu sidoo kale u sii gudbo dhinaca magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta balse faahfaahin intaas ka badan lagama hayo safarkiisa.

Damaca muddo kororsiga Deni ayaa sii xoogeysanayey bilihii dhowaa, balse ma cadda sida uu u maareyn doono ugana dhaadhicin doono jilboweynta Puntland.

Saciid Deni ayaa ah madaxweyne goboleedka kaliya ee aan weli sameyn muddo kororsi, ayada oo dhammaan madax goboleedyada kale ay samysteen muddo kororsi min hal sano ah.

Si kastaba, Puntland ayaa maamul goboleedyada kale uga duwan inay leedahay hay’ado dowladeed oo saldhig xooggan leh kuna dhisan dastuur, islamarkaana aanay awoodda gacanta ugu jirin hal shaqsi.

Isha: Puntland Post