Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay gudaha magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed, kadib markii ay culus soo saartay kooxda Al-Shabaab.
Kooxda ayaa lagu soo warramayaa inay go’doon cusub gelisay magaaladan oo hadda xarun KMG u ah dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, taas oo ay ka dhalatay saameyn xoogan.
Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay in xoogaga Al-Shabaab ay kusoo dhawaadeen Baydhaba, kadibna ay xireen waddada gasha magaaladaasi.
Xayiraadda ay Al-Shabaab saareen Baydhaba ayaa waxaa ka dhashay sicir barar baahsan, waxaana lagu soo warramayaa inuu kor u kacay qiimaha laga kala siisto maciishadda.
Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa ka warbixiyay saameynta ka dhalatay go’doominta cusub ee ay Shabaab geliyeen Baydhaba, wuxuuna sheegay in kiilada bariiska ah ay gaartay qiimo dhan 35 kun oo shilinka Soomaaliga ah.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in culeyska ka yimid dhanka Al-Shabaab uu yimid, kadib markii ay Koonfur Galbeed qaaday tallaabo ka dhan ah kooxda oo ku xoogan maamulkaas.’
“Go’doominta ay Al-Shabaab kusoo rogtay Baydhaba waxa uu soo deg-degay markii maamulka Koonfur Galbeed uu is-hortaagay Macallimiin ay u yeertay kooxda” ayuu yiri qof kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay mid kamid ah warbaahinta gudaha.
Waxaa sidoo kale arrintan ay saameyn ku yeelatay ganacsatada iyo shacabka ku dhaqan magaaladaasi, gaar ahaan dadka danta yar ee ku dhaqan halkaasi.
Si kastaba, Baydhaba ayaa ah magaallo weyn oo ku taalla Koonfurta Soomaaliya waxaana ay hoy u tahay boqolaal shacab ah oo qaarkood usoo barakacay gudaha magaaladaasi.