Maleeshiyada Al-Shabaab oo gubay guryo ku yaalla deegaanka DAARUNIMCA

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen deegaanka Daarunimca oo hoostaga degmada Ruun-nirgood, halkaas oo uu ka dhacay dagaal kooban.

Al-Shabaab ayaa waxaa u suuragashay inay muddo saacado ah la wareegaan deegaankaas, kadib markii ay ka baxeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Al-Shabaab muddada ay joogeen magaalada ay gubeen guryo ay lahaayeen ciidamada oo ku yaalla halkaasi, waxayna kadib dib uga gurteen deegaankaasi, markii ay dagaal rogaal celis ah kusoo qaadeen ciidanka huwanta.

Guddoomiyaha degmada Ruun-nirgood Macallin Muxidiin Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay dagaalkaasi, wuxuuna sheegay in dib loo riixay dagaalyahanada Al-Shabaab ee weerarka kusoo qaaday halkaasi.

“Weerar gaadmo ah ayay soo qaadeen nimanka cadowga ahaa oo Khawaarijta ahaa oo beledka Daarunimca kusoo qaaday, markii ay gurmadka ogaadeena dib ayay uga baxeen, horaana loo riixay” ayuu yiri guddoomiye Macallin Muxidiin Maxamuud Kulmiye.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan xaaladda ay dagan tahay, isla markaana ay deegaanka gacanta ku hayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda.

“Xaaladda deegaanka hadda waa dagan tahay waxaa gacanta ku haya ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, waana sii joogi doonaan” ayuu sii raaciyay.

Daarunimca ayaa waxaa marar badan ka dhashay dagaallo khasaare kala duwan gaystay, kadib weeraro ay kusoo qaadeen maleeshiyaadka Shabaab oo horay looga saaray halkaas.