Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka laga helayo deegaanka Goobo oo hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay si buuxda ula wareegtay gacan ku haynta deegaankaasi.
Sida ay sheegayaan ilo deegaanka ah, kooxda ayaa la wareegtay deegaankan muhiimka ah, iyada oo aan wax dagaal ah ka dhicin, taas oo si fudud ay ula wareegtay.
Ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa deegaanka ayaa isaga baxay Goobo, taas oo fursad siisay Al-Shabaab in ay si toos ah ula wareegaan deegaankaasi oo ku yaalla xadka u dhexeeya gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.
Goobo ayaa muhiimad istaraatiiji ah u leh isku xirka magaalooyinka Matabaan iyo Guriceel, iyadoo marin u ah wadooyin muhiim ah oo dhex mara labadaas gobol.
La wareegista deegaanka ayaa sidoo kale ku soo beegantay xilli dadka shacabka ah ee deegaankaasi ku noolaa ay badi ka barakaceen, una qaxeen magaalada Beledweyne iyo tuulooyinka u dhow, sababo la xiriira cabsi amni.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dhaq-dhaqaaqyo cusub oo ay kooxda Al-Shabaab dib ugu qabsatay deegaano ka tirsan bariga gobolka Hiiraan, kuwaas oo labo sano ka hor laga xoreeyay. Waxaana muuqata in kooxda ay sii waddo ballaarinta awooddeeda mar kale gudaha gobolka.
Si kastaba, kooxda ayaa fursad ay dib iskugu soo abaabusho ka heshay gaabiska Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dagaalka lagula jiray, kadib markii madaxda dowladda ay u jeesteen arrimo siyaasadeed iyo dano shaqsiyeed, taasoo meesha ka saartay in dagaalku noqdo ajendaha koowaad.

