Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha guud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow ayaa si rasmi ah u saxiixay habraacyo muhiim ah oo wax ka beddel loogu sameeyay qaadashada baasaboor Soomaaliga.
Munaasabadda saxiixa habraacyadan oo ka dhacday xarunta dhexe ee hay’adda ayaa waxaa ka qeyb-galay agaasime ku-xigeennada guud, la-taliyeyaal, agaasime waaxeedyada iyo saraakiil sare oo ka kala socday xafiisyada hay’adda. Ujeedada habraacyadan ayaa ah dardargelinta hannaanka adeeg-bixinta, xaqiijinta hufnaanta, isla xisaabtan iyo tayeynta adeegga.
Qodobada wax ka beddelka lagu sameeyay waxaa ka mid ah:
- Habka dalbashada iyo bixinta baasaboorka Soomaaliyeed
- Maamulka socdaalka iyo xuduudaha, si loo xaqiijiyo dadka soo galaya ama ka baxaya dalka
- Maamulka shaqada iyo shaqaalaha
- Maaraynta maamulka guud ee hay’adda
- Yaraynta waqtiga dalabka baasaboorka
Mid ka mid ah isbeddellada ugu muhiimsan ee habraacyadan cusub ayaa ah yareynta muddada la sugayo baasaboorka caadiga ah, arrin si toos ah u anfici doonta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u baahan adeeg degdeg ah oo hufan.
1. Dalbashada baasaboorka cusub: Waqtiga sugitaanka waxaa laga dhigay 7 maalmood, halkii uu markii hore ka ahaa 15 maalmood.
2. Cusboonaysiinta baasaboorka dhacay ama lumay: Waqtiga sugitaanka waxaa laga dhigay 4 maalmood, halkii uu markii hore ka ahaa 10 maalmood.
Agaasimaha Guud, Mustafe Dhuxulow oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in habraacyadan ay saldhig u yihiin isbeddelka ay hay’addu hiigsanayso.
Wuxuu tilmaamay in habraacyadu si cad u dejinayaan hannaan shaqo oo mideysan, hufan, kuna dhisan isla xisaabtan. Waxa uu intaa ku daray in shacabka Soomaaliyeed ay mudan yihiin adeeg sharaf leh, degdeg ah, oo aan carqalad lahayn.

