Al-Shabaab oo mar kale 5 QOF hal goob ku dishay iyo caro badan oo kooxda loo qaaday

Jilib (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta fagaare ku yaalla magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe waxay ku toogatay shan qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah, kuwaas oo dhamaantood ay ku eedeeyeen inay si hoose ula shaqeynayeen dowladda Soomaaliya.

Boqolaal qof oo dadka reer Jilib ah ayaa la isugu keenay fagaarihii maanta lagu toogtay shantaas nin, waxaana dadkii ka soo qeyb galay daawashada toogashada la hadlay nin magaciisa lagu sheegay Macalin Aadan Xaashi, kaas oo eedeymaha ragaas u akhriyey.

Dhamaan ragaan waxay Al-Shabaab u heysteen basaasnimo, waxayna soo bandhigeen magacyada rag ay sheegeen in lagu beegsaday duqeymo ay hagayeen shantaan nin, kuwaas oo ka dhacay gobollada Jubooyinka iyo Shabeellada Hoose.

Kooxda Al-Shabaab ayaa aad u badisay cadaadiska iyo dilka ay ku heysto dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobollada ay ka dhaqdhaqaaqaan, waxaana hadda jira wax un baraarug ah oo dadku ay muujinayaan.

Gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ayaa maalmahaan laga dareemayaa kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab oo qabaa’ilku ay sameynayaan, waxaana kasii horeysay Mudug, kacdoonkaan ayaa ka dhashay cadaadiska ay kooxdu bilowday wayahaan dambe.

Todobaad ama bil kasta Al-Shabaab waxay toogtaan dhowr qof oo basaasnimo ay ku eedeynayaan, dadkaas waxay ka qabtaan deegaanada ay maamulaan, xukunka kooxdaan ay fulisana waa dil oo kaliya.

Habeen ka hor gobolka Hiiraan, inta u dhaxeysa Beledweyne iyo Maxaas waxay ku toogteen ku dhowaad 30 qof oo safar ahaa, waxayna gubeen sideed gaari, war ay ka soo saareen dhacdadaas xanuunka badana, waxay ku faaneen inay laayeen macawiisley dagaal kala hor timid, carada loo qaaday Al-Shabaab ayaa gaartay heerkii ugu sareeyey.