XASAN Sheekh oo sameeyey xil magacaabis cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone) u magacaabay in uu noqdo la-taliyihiisa dhanka xiriirka dowlad goboleedyada dalka.

Madaxweynaha oo ka duulaya muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta heyadaha dowladda, gaar ahaan xiriirka dowlad goboleed Maxamed Qoone ku soo xulay la-taliyaha aqoonta iyo waayo-aragnimadiisa shaqo ayaa ku adkeeyey in uu door wanaagsan ka qaato qorshaha dowladda ee Soomaali heshiis ah,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyada.

Madaxweynaha ayaa masuulkaan cusub u xushay inuu ka qeyb qaato maamul daadejinta iyo kobcinta hannaanka federaaleynta dalka, kuwaas oo xafiiska madaxweynuhu uu mudnaan gaar ah siinayo.

“Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la-taliyaha Xiriirka Dowlad-goboleedyada Mudane Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone) Alle uga rajeeyey in uu u fududeeyo shaqada Qaran ee hortaallda.”

Xeerkan Madaxweyne Lr 29 oo lagu magacaabay la-taliyahaan cusub ayaa dhaqan galay Axadii maanta ee 04-ta September, oo ah markii lagu baahiyey faafinta rasmiga ah ee dowladda.

Madaxtooyadu sidii caadiga aheyd uma baahin magacaabidaan, baraha bulshada ee Villa Somalia iyo warbaahinta dowladda midna laguma baahin, lamana yaqaano sababta, balse Caasimada Online ayaa heshay qormada dikreetadaan maanta ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh.