Al-Shabaab oo nabaddoon caan ahaa ka afduubatay Raage Ceelle, kadibna dishay

Jowhar (Caasimada Online) – Dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa inay saacadihii lasoo dhaafay gudaha u galeen degmada Raage Ceelle ee gobolka Shabeelaha Dhexe, iyaga oo ka fuliyey weerar sababay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalyahanada Al-Shabaab ay beegsadeen guriga Nabadoon Axmed Jilcane oo ku yaalla degmadaasi, iyaga oo horey usii kaxeystay Nabadoonka.

Jilcane ayaa ahaa nabadoonka guud ee degmada, sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo dadka deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay.

Sidoo kale Al-Shabaab oo war kasoo saartay dhacdadaas ayaa sheegtay inay dishay Nabadoonka oo ay ku eedeysay inuu ahaa sarkaal ka tirsanaa dowladda Soomaaliya.

Qoraalka kasoo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay inay gubeen labo gaari oo NOHA ah oo uu lahaa marxuumka.

Ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan weerarkaasi iyo dilka loo geystay Nabadoon Jilcane oo si weyn looga yaqaanay Sh/Dhexe.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo badi ciidamadii milatariga ee ku sugnaa Raage Ceelle ay soo galeen magaalada Muqdisho, kuwaas oo ku biiray ciidanka mucaaradka ee ku sugan caasimada, kana soo horjeeday muddo kordhintii horey loogu sameeyey Farmaajo.