Xaaji Maxamed Yaasiin oo ka hadlay go’aanka uu shalay qaatay Farmaajo (Aqriso)

Nairobi (Caasimada Online) – Siyaasi Xaaji Maxamed Yaasiin ayaa si weyn usoo dhaweeyay hadalkii shalay kasoo yeeray madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday, wuxuuna shaki badan ka muujiyey is-bedeladii siyaasadeed ee u dambeeyey, kuwaasi oo xulafadii u dhoweyd Farmaajo uga soo horjeesteen.

Musharax hore Xaaji Yaasiin oo qoraal soo saaray ayaa waxa uu su’aal geliyay in Farmaajo ka go’an tahay inuu dalka aado doorasho wadar ogol ah, isagoo ka digay in la isku dayo qiyaano kale oo dalka dib u celin karta, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan jeclahay in aan dhinac kale ka abaaro falanqaynteeda si loo lafo-guro arrimaha la isku hayey iyo soo jeedintii Farmaajo. Horta Shaxdiisa ma Runbaa mise waa Riwaayad..?, Farmaajo inuu xilkii Doorashada ku wareejiyey Rw Roble, ma Runbaa mise waa Riwaayad?, Farmaajo inay isqabteen Rooble, Qoor-Qoor, Guudlaawe iyo Lafta-gareen, ma Runbaa mise waa Riwaayad?” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Soomaaliya halis labaad uu Alle ka badbaadiyey oo wali muuqata in si fudud qarax u dhici karo haddii aan si Dhab iyo Dacaadnnimo ah loo heshiin.

Siyaasi Xaaji Maxamed Yaasiin ayaa ugu dambeyntiina waxa uu soo jeediyay qoddobo uu ku sheegay in lagu gaari karo maslaxo guud, oo ay qeyb ka tahay in madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday uu ka tanaasulo musharaxnimadiisa.

Hoos ka aqriso:

  • Farmaajo wuxuu maanta cadeeyey in 2-dii sano ee muddo kororsiga ahaa ay aheyd baadil iyo Sharci-darro.
  • Farmaajo wuxuu cadeeyey in isaga iyo Barlamaanka uu waqtigooda dhammaaday.
  • Farmaajo iyo Barlamaanka in maanta wixii ka dambeeya aysan lahayn xil dastuuri ah oo ay Dalka ku hoggaamiyaan.
  • Farmaajo iyo Barlamaanka waxay si rasmi ah maanta xilalkooda ugu wareejiyeen RW Rooble oo noqonayaa Hoggaamiyaha dowlad kusime ah inta la soo dooranayo Xildhibaano iyo Madaxwayne.
  • Farmaajo wuxuu ku sii joogi karaa Villa Somaaliya in la helo heshiis Siyaaaadeed shardigiisana yahay inuu ka TANAASULO MURASHAXNNIMO.

“Marlabaad waa soo dhaweenayaa Khudbaddii MW Farmaajo laakiin waxaan ka codsanayaa inuu si Sharaf leh u soo wareejiyo xilalka oo idil, isagoo aan gadaal u dhigan KARAR la isla fahmyo inaan guul lagu gaarayn.”

“Soomaaliya waa diideen sib u noqosho dambe ma jirto ee walaaloow Farmaajo, dadkaaga dhinac ka raac!. Waari mayside warsan hakaa haro..!! Alloow Tawfiiqda na waafaji oo Qaflada naga saar.. Aamiin,” ayuu yiri ugu dambeyntiina.

W/Q: Cabdixakiin Cilmi Xasan
Nairobi, Kenya