Al-Shabaab oo ‘nolosha ku qabtay’ mas’uul ka tirsan dowladda KENYA (Warbixin)

Nairobi (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar culus oo markale dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay ka fuliyeen gudaha dalka Kenya.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi, kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho & dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka oo ka dhacay deegaanka Gumarey oo hoostaga magaalada Wajeer uu xigay dagaal u dhexeeyey ciidanka Kenya & Al-Shabaab.

War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxa ay ku sheegteen inay muddo kooban la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Gumarey, sidoo kalena ay nolosha ku qabteen guddoomiyihii deegaankaasi oo Soomaali ah, sida ay hadalka u dhigeen.

Xaaladda ayaa hadda degan, balse ciidamada Kenya ayaa dhaq-dhaqaaqyo ka billaabay duleedka magaalada Wajeer, kuwaas oo ay baadi goobayaan raggii fuliyey weerarkaasi.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ammaanka Kenya oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro culus oo khasaare geysta ka fuliya gudaha wadanka Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi.