Isku day la doonayey in lagu soo xiro saraakiil ciidan oo ku fashilmay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa inuu fashilmay qorshe ay xalay dowladda Soomaaliya kusoo qaban laheyd saraakiil ku lug lahey dagaal shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Isku daygan ayaa yimid kadib markii taliska Militeriga Soomaaliya uu u yeeray saddex ka mid ah saraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, iyo sarkaal ka tirsan ciidanka Minishiibiyada ee dowladda Hoose.

Saraakiisha loo yeeray ayaa la aaminsan yahay in ay qeyb ka ahaayeen dagaalkii cuslaa ee shalay ka dhacay Muqdisho, gaar ahaan Kaaraan iyo Cabdicasiis, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 10 qof oo shacab iyo dhinacyadii dagaalamay ah.

Xubnaha loo yeeray ayaa kala ah:- Cusmaan Xaadoole iyo Masdile oo isku dhinac ah, iyo Abuukar Boonow iyo Joorre oo iyagana isku dhinac ah, islamarkaana ka kala tirsan Milateri iyo Minishiibiye.

Si kastaba, Ilo-wareedyo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in saraakiishan ay ogaadeen in qorshaha uu yahay la xiro balse ay diideen amarka taliska xoogga dalka.

Ciidamo isugu jira Nabadsugid, Boolis iyo Millateri ayaa kadib xalay waxay xaafado ka tirsan degmada Kaaraan ka sameeyeen qorshe ay doonayeen inay ku weeraraan saraakiisha, si loo soo xiro, hubkana looga dhigo.

Si kastaba, saraakiisha iyo ciidankii dagaalamay oo laba dhinac kasoo kala jeeday ayaa markii ay ka war-heleeen qorshaha dowladda isku dhinac noqday, waxayna ay u baxsadeen dhanka duleedka bari ee magaalada Muqdisho

Ciidankii dowladda ee hareereeyay xaafadaha Kaaraan ayaa dib isaga soo laabtay, markii ay ku fashilmeen isku daygii la doonayay in lagu soo xiro saraakiishii ciidamadii dagaalamay.

Ma cadda waxa xiga, waxaana hadda saraakiishan iyo ciidankooda ay u muuqataa inaysan dib u aamini doonin dowladda.

Dadka qaar ayaa rumeysan in isku dayga lagu soo xiri lahaa saraakiishan uu ahaa tijaabo qorshe ay dowladda ku ogaaneyso sida ay ula tacaali laheyd saraakiisha iyo ciidamada qaarkood, haddii ay dhacdo inay kasoo horjeestaan dowladda haddii xaaladda siyaasadeed ee dalka ay farah ka baxdo.

Inta badan saraakiisha iyo ciidamada dowladda ayaa u badan beelaha Hawiye, gaar ahaan beesha Abgaal, waxaana jirta cabsi laga qabo in haddii madaxweyne Farmaajo uu xukunka ka dhammaado, iskuna dayo inuu awood kusii joogo, aysan aqbali doonin, ayna ka amar qaadan doonaan Sheekh Shariif.