Wasiirka amniga Soomaaliya oo ka digay hal arrin, kadib weerarkii GAALKACYO

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Xundubey Jimcaale oo u warramayey warbaahinta ayaa si adag uga hadlay amniga, kaddib weerarkii ka dhacay koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Xundubey ayaa ka digay isu imaatinada dadweynaha, wuxuuna soo soo jeediyey in la joojiyo, si looga fogaado waxyeelo culus oo ka dhalata weerarada Al-Shabaab.

Sidoo kale wasiirka amniga xukuumadda federaalka Soomaaluya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa intaasi ku daray inay muhiim tahay in laga fakiro amniga dadweynaha, islamarkaana aan meel la’isugu keenin, haddii aan la damaanad-qaadi karin amnigooda.

“Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan mas’uuliyiinta waxa aan u jeedinayaa in la joojiyo isu keenka Dadka si looga badbaadiyo naftii halige iyo qar iska tuur lagu dhibaateeyo, iyada oo amniga laga fikirayo oo aan la diidaneen isu imaad & in la kulmo in la joojiyo kulamada, haddii aan la hureyn la geeyo meelo ammaankooda la sugay,” ayuu yiri.

Wasiir Xundubey oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale tilmaamay in xilligan oo kale ay haboon tahay in dadweynaha farriinta loo dirayo loo marsiiyo warbaahinta.

“Duruufaha Amni & xaaladda dalka uu ku jiro iyada oo la dhaqangelinayo waxaa habboon in shacabka meeshii kulan la isugu keeni lahaa Warbaahinta in la gala hadlo oo codka lagu gaarsiiyo”. ayuu markale sii raaciyey.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo maalin ka hor weerar is-miidaamin ah oo lagu laayey saraakiil iyo shacab uu ka dhacay koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, gaar ahaan goob lagu soo dhoweynayey ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.