Al-Shabaab oo war kasoo saaray dagaalkii Bacaadweyn, soona bandhigay sawirro

Bacaadweyn (Caasimada Online) – Afhayeenka kooxda Al-Shabaab Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay wuxuu kaga hadlay dagaaladii ciidamada Dowladda iyo kuwa Al-Shabaab ku dhex maray deegaanada Bacaadweyn, Qeycad iyo Sabeeno Gowrac .

Abuu Muscab ayaa sheegtay inay jab xoog leh gaarsiiyeen ciidamadii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee weerarka kusoo qaaday, islamarkaana ay dib ula wareegeyn deegaanka Bacaadweyn oo 30k u jirto magaalada Wasil.

Afhayeenka Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada weerarka kusoo qaaday ay garab ka helayeen diyaarado uu sheegay inay leedahay dowladda Mareykanka, sida uu isaga hadalka u dhigay, wuxuuna tilmaamay in kooxdiisa ay awood u yeelatay inay iska difaacdo.

Wuxuu intaas ku daray inay khasaaro xoog leh gaarsiiyeen ciidamada Dowladda isla markaasna ay dhaawac iyo dhimasho gaarsiiyeen 70 askari sida uu hadalka u dhigay.

Ugu damneyntii Abuu Muscab ayaa sheegtay inay dagaaladii ka dhacay deegaanadaas ay ku qabsadeyn hub iyo gawaari ciidan inkastoo aysan jirin illo madax banaan oo xaqiijiyey sheegashada Al-Shabaab.

Sida ay dad goobjoogayaal ah Caasimada Online u sheegeyn, ciidamada Dowladda ayaa hadda ku sugan saldhigga ciidamada 21-aad oo wax ka yar 3km u jiro deegaanka Bacaadweyn halka Al-Shabaab ay ku sugan tahay gudaha Magaalada.

Sidoo kale, garabkii kale ee Ciidamada Dowladda ee weerarka ku qaaday Qeycad iyo Sabeeno Gowrac ayaa weli ku sugan goobihii ay Al-Shabaab kala wareegeyn, waxayna dhowr jeer iska difaaceyn weerar uga imaaday kooxdaan.

Ugu dambeeyey ee deeganadaas naga soo gaarayo ayaa sheegayo in Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi iyo Senetor Cabdi Qeybdiid ay galabta gaareyn deegaanka Sabeeno Gowrac halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada Galmudug.

Halkaan hoose ka daawo sawirada ay soo bandhigeyn Al-Shabaab