Xog: Labada ujeeddo ee uu Ra’iisul Wasaare Rooble ka leeyahay safarkiisa Jubaland

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in safarka uu maanta ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble uu ku tegay Kismaayo uu ka leeyahay labo ujeedo oo la xiriira doorashada iyo dib-u-heshiisinta.

Rooble ayaa u tagay Kismaayo sidii dib-u-heshiisiin looga sameyn lahaa khilaafka gobolka Gedo iyo weliba sidii loo dar-dargalin lahaa hannaanka doorashada oo dhawaan la filayo inay ka qabsoomto dalka.

Saraakiil ka tirsan xafiiska Rooble oo la hadlay Caasimada Online ayaa sidoo kale waxay sheegen in qorshaha Rooble uu qeyb ka yahay in maalinta Jimcaha uu gaaro xarunta gobolka Gedo ee Garbahaarey, halkaas oo ay muddo badan isku hayeen dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland.

Arrintaan ayaa kusoo aadeysa xili uu ra’iisal wasaare Rooble kal hore uu magacaabay guddi dib-u-heshiisinta gobolka Gedo ah, kaasi oo aysan qeyb ka aheyn xubno kasoo jeedo Jubbaland oo ay dowladda isku hayeen maamulka gobolkaas.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa xiligan ku howlan inuu meesha ka saaro khilaaf kasta oo dib u dhigi kara jadwalka hanaanka doorashada, islamarkaana caqabad ku noqon kara heshiiskii ay 27-kii May madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyadu ku saxiixeen magaalada Muqdisho.

Waa safarkiisii ugu horreeyey ee Rooble uu ku tegayo magaalada Kismaayo, tan iyo markii uu la wareegay xafiiska, waxaana uu horey u booqday xarumaha kale ee maamul goboleedyada; Puntland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabeelle.